Advertisements

Haweenka ku jira Xeryaha Qaxootiga Gaalkacyo oo loo geysanayo Dhibaatooyin kala duwan.

undefinedHalkaan ka akhri

Dhibaatooyin kala duwan oo isugu jira Kufsi, Dil gacaqaad ah, dhac hantiyeed iyo waxyaabo kale ayaa soo food saaray Dumarka ku dhaqan xeryaha Barakacayaasha  ee ku yaala Magalada Galkacyo Kuwaasi oo ka Cabanaya dhibaatooyin Xoogan oo Ay Ku hayaan kooxo Burcad Ah.

Dhibaatoyinkaas Soo Foodsaartay dumarka Ku Nool kaamamka Barakacayaasha Gaalkacyo ee aan kor ku xusnay ayay Geysanayaan Kooxo Ku Hubaysan Qoriga Ake 47, Bastoolado iyo Tooreeyo.

Hadaba arintaasi ayaa waxaa  baaritaan ku sameeyay Weriye-yaal ka tirsan SomaliSwiss iyo Radio Raxanreeb, iyadoo  uga horeyn ka warrantay mid ka mid ahayd Gabdhaha Ka Shaqaysta Maqaayadaha Yar yar Ee Ku yaalla Magaalada gaalkacyo, oo si dirqi ah uga fakatay nimankaas hubaysan, waxayna Sheegtay in iyada qudheeda weerar lagu Qaaday iyada iyo Gabar Kale oo La socotay si loo Kufsado, laakiin Nasiib Wanaag Ay Qayliyeen Taasna Ay Sababtay In Dablaydii Halkaasi Isaga Cararaan.

Arintan Ayaan wax ka waydiinnay taliyaha Saldhiga Bartamaha Magaalada Gaalkacyo Gaashaanle Shiil Sida uu U Arko Dhibaatooyinka loo gaysanayo ee ay ka Cabanayaan Dadka Barakacayaasha Ah Iyo waxa Ilaa Iyo hadda ay Ka Qabteen Waxaana Uu Sheegay In Ay Wax Badan ka Qabteen Amaanka Islamarkaana Burcad Badan Soo Xir Xireen Baaritaanka ka Dibna Ay maxkamada U Gubinayaan Eedeysanayaashaasi Sida Halka U Dhigaye.

SomaliSwiss Gaalkacyo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: