David Cameron oo sheegay inuu qabanayo shir looga hadlayo nabadeynta Soomaaliya, ladagaalanka Al-shabaab iyo Burcad Badeedda.

undefinedHalkaan ka akhri

David Cameron, R/Wasaaraha dalka Ingiriiska David Cameron ayaa waxa uu sheegey in dowladdiisa ay qabaneyso sanadka soo socda shir weyn oo heer caalami ah oo looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya kaasi oo ka dhacaya magaalada Londan ee Xarunta dalkaasi.

Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters, David Cameron Ra’isal wasaaraha dalka Ingiriiskaayaa waxa uu carabka ku dhuftay in Shirkaasi looga hadlayo siyaasadda dalka Soomaaliya iyo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka burcad badeeda Soomaalida ay ku hayaan maraakibta ganacsi ee isticmaasha biyaha Soomaaliya io Badweynta India.

Mr Cameron ayaa tilmaamay in Shirka sidoo kale diiradda lagu saarayo ladagaalanka Xarakada Al Shabaab oo uu ku eedeeyey in dhalinyarada Soomaaliyeed ay ka dhigayaan ku wa xag jir ah oo falal argagaxisinimo ka fuliya wadamada caalamka.

R/wasaaraha dalka Ingiriiska ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in xasiloonida dalka Soomaaliya ay dan ugu jirto dalka Ingiriiska, waxaana uu sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay sidii dalka Soomaaliya uu  u noqon lahaa goob ka xasiloon Argagaxisada.

“Burcad badeeda iyo xasilooni darida dalka Soomaaliya waa mid xal loo hili karo waqtigan,  waa waqtigii aan u istaagiilaheyn xal u hilidda Soomaaliya, dadka Soomaaliyeedna waxa ay u baahan yihiin nabad waarta” sidaa waxa yiri Ra’iisul wasaaraha dalka Ingiriiska.

Waa markii ugu horeysay oo R/wasaaraha dalka Ingiriiska uu sheego in dalkiisa uu marti galinayo shir looga hadlaayo arrimaha dalka Soomaaliya sanadka soo socda.

SomaliSwiss London
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: