Ciidamada Mareykanka oo xalay Meydadka iyo dhaawacyo Saraakiil Al-Shabaab ah ka qaatay N0: 50, Laanta Buuro iyo Afgooye.

undefinedHalkaan ka akhri

Ciidamada Kumandooska Mareykanka ee sida gaarka ah u tababaran oo xalay qeyb ka ahaa duqeymo ay si wada jir ah u fuliyeen Diyaaradaha Mareykanka, Fransiiska iyo Kenya ayaa hore u qaatay meydad iyo dhaawacyo saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku shirsanaa Xarumo ciidan oo ku yaal Laanta Buuro iyo Degmadda Afgooye ee gobolka Shabeeladda hoose.

Degaanka Laanta Buuro oo qiiq hawada is qabsaday markii diyaaradaha dagaalka huwanta reer Galbeedka iyo Kenya duqeeyeen ayaa la soo Wariyey inay Kumaandooska Mareykanku ku degeen oo qaateen Meeydad iyo dhaawacyo.

Xarumaha la duqeeyay ayay warar hoose sheegayaan inay dadka ku shirsanaa ka mid ahaayeen Saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab sida Ibraahim Xaaji Miicaad (Afgaani), Axmed Godane iyo Xasan Dahir Aweys oo la sheegay inay ku sugnaayeen Beerta Sheekh Zayid ee Afgooye oo guud ahaan gubatay,waxaana la sheegay inay ku geeriyoodeen Saraakiil sar sare oo lagu murusan san yahay inay ka mid ahaayeen Xasan Dahir Aweys iyo Axmed Godane, halka dhaawacyadu aysan meel dayan.

Inkastoo aysan jirin ilaa iyo hadda cid xaqiijisay, dadka geeriyooday, iyo kuwa dhaawacmay ee Mareykanku qaatay, kuwa ay ahaayeen ayaa hadana waxaa la xaqiijiyay inay jirtay geeri fara badan oo soo gaartay saraakiisha sar sare ee xarakada.
Waxaa jira warar laga helay taliska ciidamda Mareykanka ee Africom oo sheegaya in howlgalka xalay uu ahaa mid qorshe sirdoon iyo bartilmaameed ku socday oo ay hagayeen dad dhulka jooga iyo diyaaradaha wax basaasa.

Wax wara kama soo bixin Al-Shabaab hasse yeeshee xarumahii ay ku shirayeen waxaa laga daad gureeyay boqolaal meydadka dagaalyahanada Al-Shabaab iyo dhaawacyo, halka dhinaca Laanta buuro, Meydad iyo dhaawacyo laga qaatay la sheegay inay ugu badnaayeen saraakiil ajnabiya oo ka tirsan Muhaajiriinta Al-Shabaab.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: