Advertisements

Diyaarado xalay garaacay xarumihii Al-Shabaab ee Afgooye, Lambar 50, Laanta-buuro, No-60, Jisooma iyo meelo kale.

undefinedHalkaan ka akhri

Faah faahin dheeri ah ayaa waxa ay kasoo baxeysaa  Gantaallo xalay lagu weeraray qeybo badan oo ka mid ah degmada Afgooye oo ay ka mid yihiin Saldhigyo AL Shabaab ay leeyihiin.

Wararka ka imaanaya gudaha degmada Afgooye ee gobolka Sh.hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xalay abaaro 9-kii iyo qadar daqiiqado ah gantaal wayn lala beegsaday Saldhiga Milatari oo ay Xarakada Al Shabaab ku leeyihiin duleedka Xerada Agoonta ee Jimciytul Tadaaman.

Qantaalkaasi ayaan la’ogayn halka uu ka yimid xilli hal mar Magaalada laga maqlay diryan aad u culus, waxaana lagu soo waramayaa in gantaalka  ku dhacay duleedka degmada Afgooye uusan ka dhalan wax qasaaro ah.

Sidoo kale waxaa iyana gantaalo lagu garaacay Garoonka Diyaaradaha ee Jisooma, deegaanka lambarka 50, deegaanka Laanbuuro iyo sidoo kale deegaanka Lambar 60, oo gabi ahaamba ku yaala duleedka degmada Afgooye ee gobolka Sh.hoose, fariisimona ay ku leeyihiin Al Shabaab.

Inkastoo gantaallo farabadan lagu garaacay fariisimo ay Al Shabaab ku lahaayeen qeybo ka mid ah degmada Afgooye ayaa hadana qasaaraha ugu badan oo ay gaysteen gantaalladaasi waxaa la tilmaamay in lala beegsaday Xerada Laanta Buuro oo ah goob si wayn loogu tababaro Ciidamada Xarakada Al Shabaab.

Waxaa si dhab ilaa iyo iminka aan loo ogayn qasaaraha ka dhashay gantaalladaasi, hase aahatee arintaani ayaa waxa ay baqdin iyo cabsi ku abuurtay shacabka ku dhaqan gobolka Sh.hoose oo aan horey u arag gantaallo ceenkaani oo kale ah.

Xaaladdu ayaa lagu soo waramayaa inay tahay mid kacsan, iyadoo aysan jirin wax war ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan gantaalladaasi la sheegay in lala beegsaday fariisimo ay laheeyeen Al Shabaab, inkastoo ay xusuus mudantahay in dowladda Kenya ay horey u sheegtay inay duqeyn doonto ilaa 10-magaalo oo ka mid ah Koofurta Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: