HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Halkaan ka akhri
Ra’isal wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa maanta dal dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib markii ay soo guteen waajibaadka Xajka ee sanadkan.
Mr. C/Weli Maxamed Cali Gaas oo goordhow ka soo dagay garoonka Aadan Abdulle International Airport ayaa waxaa la socday  wasiiro ay kamid ahaayeen wasiiru dowlaha Gaashaadhiga, wasiirro kale,  xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana garoonka ku soo dhaweeyay wasiirro, Xildhibaanno, Saraakiil iyo Fanaanniin.
Ra’isal wasaaraha ayaa markii uu soo degay kadib waxaa uu la hadlay warbaahinta, waxa uuna sheegay in uu si wanaagsan u soo gutay waajibaadkii Xajka sanadkan, isla markaana uu usoo duceeyay dalka si uu Alle dhibaatada uga saaro.
C/Weli Maxamed Gaas ayaa tilmaamay in dhammaan dadka Soomaaliyeed ee sanadkan Xajka soo gutay ay u soo duceeyeen dalka iyo dadka Soomaaliyeed si ay u helaan nabad iyo horumar.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.