Advertisements

Muqdisho oo markii ugu horeysay lagu jilay Filim ka tarjumaya qaabka Al-Shabaab u fuliyaan dilalka qorsheysan iyo qaraxyada.

undefinedHalkaan ka akhri

Magaalada Muqdisho ayaa dhowaan laga soo saaray qeybtii ugu horeysay filim taxane ah oo ka kooban dhowr qeybood, kaas oo muujinaya qaabka ay u howl galaan xarakada Al-Shabaab, sida ay u fuliyaan dilalka qorsheysan, qaraxyada iyo waxyaabo kale.

Filimka ayaa sidoo kale muujinaya sida ay isula dhaqmaan Al-Shabaabka gudahooda, sida ay usoo dhaweeyaan Ajaaniibta, awoodda ay leeyihiin ajaaniibtu, waxa lagu soo jiito dadkaas iyo dhaqaalo iyo hub waxa laga helo intaba.

Sidoo kale Filimka ayaa muujinaya sida loo maskax rogo dhallinyarada fulisa dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ismiidaaminta ah iyo waxa loo sheego, iyo weliba in dhallinyaradaas laftooda ay jiraan dad qarsoon oo iyaga qudhooda daba jooga oo ilaalinaya inay daacad ka tahay fulinta shaqadii loo diray oo dhinac ah, halka dhinaca kalena ay ka difaacayaan haddii weerar ku yimaado ama dhibaato kale.

Sidoo kale waxaa filimka ku cad qaababka loo dallac siiyo dhallinyaradaas oo hadba kii howl soo fuliyo loo dallaco jagooyin ka dhex jira Al-Shabaabka gudihiisa oo lagu shaqeeyo iyo arrimo kale oo isugu jira handadaad, porobagaan iyo caga jugleyn.

RIIX OO HALKAAN KA DAAWO FILIMKAAN.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: