Hay’adda Qaramada midoobay ee ICAO oo ka caga jiideysa inay Soomaaliya ku wareejiso Hawada dalka iyo hantidii ay qaadday.

WARBIXIN MAQAL IYO QORAAL

undefinedHalkaan ka akhri

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha duullimaadyada hawada oo labaatankii sano ee la soo dhaafay maamulayay, hawada Soomaaliya, isla markaana isagu gacanta ku haya dhaqaalihii Soomaaliya ay lahayd ee Hawada kasoo xerooday ayaa ka caga jiiday inuu xilkaas ku soo wareejiyo dowladda Soomaaliya, inkastoo marar badan Soomaaliya waydiisatay.

Hay’addaan waxay hawada Soomaaliya ka qaaddaa lacag joogta ah oo qiyaastii u dhexeysa $25000 (Labaatan iyo shan kun iyo 30000) inta la ogyahay maalintii taas oo lagu qiyaaso sanadkii ugu yaraan 6Milyan ilaa 10Milyan iyo inta u dhexeysa.

DKMG Soomaaliya ayaa markale ku celisay dalab ay hore ugu jeedisay Qaramada Midoobay kaas oo ahaa in dawlada lagu soo wareejiyo maamulka hawada sare ee dalka oo hadda hoostaga hay’adda ICAO oo ka tirsan Qaramada Midoobay.

Wasaaradda duulista hawada ee DKMG ayaa markale gudbisay qoraal ay ku dalbaneyso in la gaarey xilligii Soomaaliya loo soo celin lahaa dhamaan hantida uga maqan dibadda ee ku jira gacmaha shisheeyaha, waxaana qoraalkaasi oo la gaarsiiyey dhamaan madaxda Qaramada Midoobay lagu cadeeyey in hay’adda ICOA oo ah tan maamusha hawada sare ee Soomaaliya ay dib ugu soo celiso maamulka hawada sare.

“Dawlada Soomaaliya wafdi ka socda ayaa toddobaadyo ka hor tegey magaalada Nairobi waxaana hore u jiray oo aan daba joognay dalab ay xukuumadu gudbisay oo ahaa in maamulka hawadeena aan soo ceshano, markaasi waxaan la kulanay saraakiisha hay’adda International Civil Aviation Organization [ICAO] oo aan u sheegnay in aan u dulqaadan doonin in wixii hadda ka dambeeya hawadeena ay noo maamulaan shisheeye fadhiya Nairobi” sidaasi waxaa Saxaafadda u sheegay agaasimaha guud ee waaxda duulista hawada ee DKMG ah.

Maalintii Jimcaha ee 11 November waxaa magaalada Muqdisho booqasho ku yimid wafdi ka kooban 10 xubnood oo ka tirsan hay’adda ICAO kuwaasoo ka yimid magaalada Montreal oo ay ku taalo xarunta weyn ee hay’adda ICAO.

Wafdigan ayaa sida aan xogta ku helnay waxay indha indheyn ku sameeyeen hawlaha garoonka Muqdisho iyagoo kulamana la qaatay saraakiisha garoonka iyo wasaaradda duulista hawada ee DKMG ah, walow aysan cadeyn in wafdiga ICAO ay sheegeen inay diyaar u yihiin inay iska soo wareejiyaan hantida ummada Soomaaliyeed ee mudada dheer ay iska maamulanayeen.

Agaasimaha wasaaradda oo la waydiiyay in hay’adda ICAO ay ogolaatay soo wareejinta maamulka hawada sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in wada hadalku uu socdo welina aan si buuxda loo soo afjarin arintaas, laakiin ay rajadu wanaagsan tahay.

Warar kale oo ay SomaliSwiss ka heshay maamullada Soomaaliya ka jira iyo wasaaradda arrimaha dibadda federaalka ayaa sheegaya inay jiraan dood ka timid maamulada Puntland iyo Somaliland oo arrinta xilwareejinta dood ka keenay, in kastoo la xusay inay ugu dambeyntii muujiyeen wax u muuqday ogolaansho wax xoogaa ka soo xilwareejinta hay’adda ICAO, inkastoo ay doonayaan in iyaga lagu wareejiyo, haddana waxay dalbadeen in dhaqaalaha ka yimaada hawada sare wax laga siiyo.

[dhegayso Wasiirkii hore ee Tamarta Iyo Shidaalka DFKMG ee Soomaliya Xildhibaan Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex oo Baarlamaanka la hadlayay isagoo sharaxaya dhaqaalaha ugu yaraan sanadkii laga helo Hawada.]

ICAO iyo hawada Sare ee Soomaaliya

Hay’ada ICAO oo raacsan Qaramada Midoobay ayaa tan iyo sanadkii 1996-kii waxay gacanta ku heysay hawlaha maamulka hawada sare ee Soomaaliya, taasoo ay la wareegtay wax yar ka dib markii uu meesha ka baxay hawlgalkii UNISOM ee Soomaaliya loo diray 1992-kii.

ICAO waxay leedahay guddi maamula diyaaradaha mara hawada Somaaliya- hadey yihiin kuwa Soomaaliya u socda iyo kuwa isticmaala hawada sare ee u gooshaya qaaradaha kale, kuwaasoo laga qaado lacag aad u fara badan.

Waxba lagama oga halka uu ku baxo dhaqaalaha ka soo xerooda hawada Soomaaliya. Sida khubarada hawada noo sheegeen waxaa  maalinkii hawada Soomaaliya soo gala 90 duulimaad oo isugu jira kuwo gudaha dalka ku daga iyo kuwo caalami ah.

Inta la ogyahay Diyaaradaha caanka ah ee maalin walba hawada Soomaaliya mara ee aan ka maarmin waxaa ka mid ah sida:-

-Diyaarada Air France  (from Paris to Réunion) – waa maalinle
-Diyaarada Emirates   (from Dubai to Johannesburg) – waa maalinle
-Diyaarada El Al    (from Tel Aviv to Thailand) – waa maalinle

 Halkii duulimaad waxaa laga qaadaa lacag gaareysa $275. sidaasi awgeed $275×90 duulimaad waa $ 24, 750 halkii maalin oo kaliya.  (Sanadkii waxay lacagtaasi gaareysaa $ 8,910,000) Lacagtaasi oo illaa hadda aaney hay’ada ICAO meelna ku sheegi karin.

Dawladii Soomaaliya ee xilligii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre waxaa hawada Soomaaliya ka soo xaroon jiray lacag gaareysa $4 milyan sanadkiiba (sida ku xusan dukumintiyadii hay’ada duuliimadka Soomaaliya, waxaana sidaasi noo sheegay saraakiishii hore ee duulimaadyada dalka ka shaqeyn jiray).

Goormay bilaabatay dacwada hawada Soomaaliya?

Dawladii Raysul wasaare Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay furtay dacwad ka dhan ah hay’ada ICAO iyadoo raysul wasaare Farmaajo laftiisa uu si cad ugu sheegay saraakiisha UN-ka inay hawada Soomaaliya ku soo wareejiyaan dawlada Soomaaliya si dhaqaalaha ka yimaada u maamusho dawlada looguna kharashgareeyo adeegyada dalku u baahan yahay. Balse nasiib daro iyadoo doodii socoto ayaa raysul wasaare Farmaajo xilkii laga qaaday.

Inkastoo wafdiga ICAO ka socda ee yimid Muqdisho ay is arkeen saraakiil ka tirsan DKMG haddana lama oga halka ay hadda arini mareyso, waxaase dhici karta in mudo aysan ku dhamaan xaajadu maadaama sida saraakiil ka tirsan dawlada Soomaaliya illaa hadda dhanka hay’adda ICAO uu ka jiro cagajiid u muuqda inaysan jeclaysan arrintaas, oo haddii hay’addu aqbasho ay xigto xilwareejin iyo xisaabtan, taas oo aysan hay’addu u muuqan mid u diyaarsan.

SomaliSwiss Muqdisho, Boosaaso, Hargaisa, Nairobi
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: