Diyaaradaha dagaalka oo lagu soo kordhiyay howlgalka ciidamada Amisom ee Soomaaliya.

undefinedHalkaan ka akhri

Ciidamada Amisom ee ku sugan Muqdisho ee dirirtu kala dhexeyso xarakada Al-Shabaab iyaga dowladda KMG ah ayaa dhowaan quwadooda ciidan kusoo biirinaya 4 diyaaradood oo nuuca dagaalka ah.

Dowlada Uganda oo iyada ciidamadeedu ay qeyb ka yihiin kuwa nabad sugida u jooga Soomaaliya ee ka socda midowha Afrika ee AMISOM ayaa sheegaty in diyaaradaheeda dagaalka afar ka mid ah ay u diri doonto Soomaaliya, sida ugu dhaqsida badan.

Afhayeen u hadlay mileteriga Uganda Felix Kulaigye ayaa sheegay in afar ka mid ah diyaaradahaas dagaalka ee dalka Uganda ay ciidamada AMISOM ka caawin doonaan dagaalada ay kula jiraan ururka Alshabaab.

Afhayeenka ayaa sheegay in diyaaraduhu ay dusha sare ka duqeyn doonaan saldhigyada Shabaab ku leeyihiin meelaha u dhow Muqdisho iyo Gobollada, waxaana  Col. Felix Kulaigye uu sheegay in qarashaadka diyaaradahaasi ku baxaayo ay bixinayso QM isagoona tilmaamay in diyaaradahaasi ay wax badan ka tari doonaan la dagaalanka Al-Shabaab.

Lama shaacin, mana kala cadda in diyaaradaasi ay isugu jiraan nuuca MIIGA iyo Helicopters ama inay wada Miig yihiin, laakiin warar hoose ayaa sheegaya in laba ay noqonayso MIIG halka laba kale tahay Helicopters.

SomaliSwiss Nairobi
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: