Al-Shabaab oo saraakiil muhiim ah ku waayay qaraxyo ay samaynayeen oo iyagii ku qarxay.

undefinedHalkaan ka akhri

Qarax xoogan oo xalay ka dhacay magaaladda Buula Burde ee Gobolka Hiiraan ayuu ku dhintay sarkaal sare oo muhiim u ahaa Xarakada Al Shabaab iyo ciidamo ka tirsanaa Xarakadaas.

Maxamed Cilmi oo Xarakada Al Shabaab u qaabilsanaa sameynta walxaha qarxa, ayaa xalay ku dhintay magaaladda Buula Burde ee Gobolka Hiiraan, markii uu walxo qaraxyo ah oo uu samaynayay ay isagii la qarxeen.

Sargaalkaas Maxamed Cilmi ayaa wuxuu jirkiisa uu noqday mid aad u kala go’go’ay, waxaana goobtaasi ku dhintay 8 qof, oo kale oo dhammaan u dhintay si-xun.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa dhamaan burburtay, waxaana qaraxaan laga maqlay magaaladda Buula Burde oo dhan, isla-markaana shacabka ku dhaqan magaaladda Buula Burde ayaa waxay u hadal-hayaan si weyn.

Majirto wax war ah oo ay Xarakada Al Shabaab ka soo saartay amuurtaan, oo lagu sheegay mid uu Alle ku ciqaabaayo Xarakada Al Shabaab, oo mar walba qaraxyada ku wax-yeeleyso shacab masaakiin ah.

SomaliSwiss Beledweyn

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: