Halkaan ka akhri
Madaxweynaha dalka Ugandha ayaa sheegay in dowladda Kenya ay xaq u leedahay in ay iska difaacdo kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, kadib kullan ay wada qaateen wasiirka arrimaha dibedda dowladda Kenya.
Yoweri Kaguta Museveni ayaa sheegay in dowladda Kenya ay dalkeeda ka difaacan karto cid walbo oo waxyeelleyneysa amniga dalkeeda, isagoo intaasi ku daray in uu soo dhaweynayo dagaalka ay Kenya kula jirto kooxda Al-Shabaab.
Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni oo xasiifkiisa kullan kulla qaatay wasiirka arrimaha dibedda dowladda Kenya Moses Masika Wetangula oo booqasho ku tagay dalka Ugandha, ayaa xusay in dowladda Kenya ku soo biiritaankeeda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Al-Qaacidda ay tahay mid sahli karta bur burinta kooxdaasi xagjirka ah.
Museveni waxaa uu sheegay in xalka kaliya uu yahay in lala dagaallamo Al-Shabaab oo lagu guulleysto soo afjarida maleeshiyada Al-Shabaab oo qal qal ku heysa amniga dalalka gobolka geeska Afrika.
Sidoo kale madaxweynaha Uganda ayaa sheegay in dalalka gobolka uu ka dhaadhicinayo howlgalka Kenya ay ka wada qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya si arrintaasi la isaga kaashado.
Ugu danbeyntii ayuu farta ku fiiqay in howlgallada baaxadda leh ee kooxda Al-Shabaab lagu baacsano in aysan kooxdaasi awood u lahayn in ay iska difaacdo dagaalka ay ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabka ka helaya dalalka ay bah wadaaga yihiin.
SomaliSwiss Kambala
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Kambala |
You must be logged in to post a comment.