Ciyaar kulul oo dhexmartay xulalka Somalia iyo Ethiopia oo ku soo gaba gabowday bar bar dhac.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

undefinedHalkaan ka akhri

Xulalka kubada cakta Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa galabta ismari waayay, kadib marki ay isku haleeleen garoonka Al Xaaji Guled Abtidon ee dalka Jabuti, wareega koowaad ee ciyaaraha loogu soo baxayo koobka aduunka ee lagu qaban doono dalka Brazil sanadka 2014-ka.

Xulka Soomaaliya oo qiimeynta xulaka kubada cakta aduunka kaga jira kaalinta 208-aad ayaa iska qasaariyey fursado uu kaga badin karay xulka dalka Ethiopia oo ku ciyaarayey 10 ciyaartoy, kadib marki kaarka guduudka laga siiyey mid kamid ah xidigahooda daqiiqadi 60-aad.

Cayaartan ayaa xulka Soomaalida waxaa ay ku dheelayeen magaalada Jabouti, maadaama aysan magaalada Muqdisho ku marti galin karin sababo amaan awadeed, Jaboutina ay u tahay dalkooda labaad.

Xulka Soomaaliya inkastoo rajadiisu aysan wanaagsaneyn, hadana is araga labaad oo dhici doono Arbacada soo socota ee 16-ka SeptemberĀ ayaa lagu qaban doonaa magaalada Adiss Abeba, kaas oo ay u baahnan doonaan in ay bar bar dhac u dhigma 1- 1 ama 2-2 si ay ugu soo gudbaan wareega labaad.

SomaliSwiss Jibouti

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: