Wax garadka iyo Odayaasha beelaha Labada Shabeelle oo shaaciyay in ay Al-Shabaab xoog uga saarayaan Gobolladaas.

undefinedHalkaan ka akhri

Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda gobolada Sh/hoose iyo Sh/dhexe ayaa sheegay inay wadaan qorshe yaal goboladaasi looga saarayo Xarakada Al Shabaab oo mudooyinkaan talada Labadaas gobol gacanta ugu jirtay.

Odayaashaani iyo waxgaradkaani oo ka soo kala jeeda Sh/dhexe iyo Sh/hoose waxay sheegeen in ay soconayaan dadaalo ku aadan sidii goboladaasi looga saari lahaa Xarakada Al-Shabaab oo sida ay tilmaameen dhibaatooyin ku haysa dadka shacabka ah ee ku dhaqan Goboladaasi.

Afhayeen u hadlay Odayaasha iyo waxagaradka labada gobol oo mudooyinkii u dambeeyay kulamo xasaasi ah ku lahaa gudaha Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhibaatada ay wadaan Al-Shabaab ay ka warqabaan dadka shacabka ah, wuxuuna tilmaamay in muddo labo sano ah ay ka shaqey nayeen sidii labadaasi gobol ay uga saari lahaayeen Al-Shabaab.

Afhayeenka Odayaasha iyo waxagaradka labadaas gobol oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa intaasi ku daray  in Maamullo loo sameyn doono labadaasi gobol kuwaasi oo uu xusay in la doonayo inay noqdaan kuwo dhaxal gal ah, isagoo hoosta ka xariiqay in la dhisay guddi qaban qaabin ah oo arrimahaasi ka shaqeeya.

Afhayeenka Labada Shabeelle ayaa sheegay in dhibaatada ka jirta labada gobol ay sal u yihiin Xarakada Al-Shabaab, isagoo ugu baaqay shacabka ku dhaqan Shabeelooyinka inay u samraan dhibaato kasta oo ku dhacda, waxaana uu tilmaamay in wax waliba ay leeyihiin bilow iyo dhamaad, isagoo xusay in hadda la joogo, billowgii dhammaadka taladii al-shabaab ee gobolladaas, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Gobolada Sh/dhexe iyo Sh/hoose ayaa waxa ay ka mid yihiin meelaha ay sida buuxda gacanta ugu hayaan Xarakada Al Shabaab, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay isa soo tarayeen hanjabaadaha kasoo yeeraya Xildhibaanada iyo Waxgaradka kasoo jeeda goboladasi oo sheegayay inay duulaan ku yihiin goboladaasi.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: