Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya ciddii ay ahaayeen Gacan ku dhiigle-yaashii dilay Marxuum Aadan Buulle.

undefinedHalkaan ka akhri

Gudoomiyaha Degmada Dharkenley ayaa shaaciyay in dilkii Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka KMG loogu geystay shalay degmadiisa ay gaysteen ciidamo ka tirsan dowladda KMG oo uu xusay inay ku qaldan meen.

Guddoomiyaha degmada Dharkenley Macalin C/lle Cali ayaa  sheegay in dilkii Xildhibaan Aden Buule Max’ed oo shalay lagu dilay Muqdisho ay ka dabeeyeen ciidamo ka tirsan Dowladda KMG Soomaliya, wuxuuna Gudoomiyuhu sheegay in dilkaasi ku dhacay si aan ula kac ahayn, wuxuuna ka bixiyay sharaxaad.

Gudomayaha ayaa sharaxaad diisa ku sheegay qabkii uu Shilkaasi  u dhacay   wuxuuna yiri “baabuur uu watay xildhibaanka ayaa soo gaaray bar kontarool oo ay fadhiyeen ciidanka dowladda, waxaana lagu amray in uu istaago  koontaroolka, hase yeeshee baaburkii lagu waday marxuumka darawalkii waday wuu ka dhega adaeygay, sidaasi darteedna way ka shakiyeen Ciidamadi joogay Barta Controol  waxaayna ku fureen rasaas  si ay  baaburkaasi u joojiyaan,   Nasiib xumo rasaasti waxay haleeshay  Xildhibaan Adan Bulle  Maxamed” ayuu yiri gudoomiyaha degmada Dharkenleey.

Macallin C/lle ayaa intaasi sii raciyay in ay baaritaan  intaasi ka sii dheer samayn doonaan ka dibna ay u soo bandhigi doonan  Saxaafadda wixii ka soo baxa baritaankaas dheriga ah .

Alaha  u naxaristee  Xildhibaan  Aadan Bulle  Maxameed oo shalay la dilay, wuxuu hore u soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha gobolka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya, wuxuu sidoo kale  Xilal kala duwanaa ka soo qabtay Dowladii Kacaanka.

Dowladda KMG ah, weli war rasmi ah kama soo saarin cidii ka dambaysay dilka xildhibaanka, marka laga reebo in wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda KMG Soomaaliya uu  sheegay in gacanta lagu soo dhigay qaar ka mid ah dadkii ka danbeeyay dilkii loo geestay xildhibaan Adan Buule oo ka tirsanaa baarlamaanak KMG Soomaaliya.

C/samad Macalin Maxamuud ayaa sheegay in ciidamada dowlada ay gacanta ku soo dhigeen rag la aaminsanyahay in ay ka danbeeyeen dilkaasi, wuxuuna wasiirku  sheegay in ay jiraan rag kale oo wali ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ay ku raad joogaan kuwaasi oo gacanta lagu soo dhigi doono.

Wasiirka oo sheegay in dadka haatan la qabtay ay xiranyihiin isla markaana maxkamad la soo taagi doono ayaa ka gaabsaday in dadkaasi ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab ama dowladda KMG ah, wuxuuna warkiisa ku gaabiyay in weli baaritaan socdo uusanna doonayn inuu ka hadlo arrin qabyo ah, hase yeeshee, wuxu xusay in cid kasta oo ay ahaadaanba la marsiin doono wixii uu sharciga ka qabo dilka la geystay xildhibaanka.

Dhinaca kale, gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Axmed Dhimbil Rooble iyo Xildhibaanno kale ayaa ayaa sheegay in aysan howlahooda  u joojin doonin dilalka iyo dhibaatooyinka lagu hayo xildhibaannada, hase yeeshee waxay Hay’adaha Nabad gelyada dowladda waydiisteen inay soo cadeeyaan cidda fulisay dilkii loo geystay marxuumka ka tirsanaa Baarlaanka.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: