Halkaan ka akhri
Diyaarad nooca Qaadka qaada ah ayaa saakay ku soo dhacday agagaarka garoonka diyaaraddaha degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Diyaaraddan ayaa la sheegay in nooceedu uu ahaa nooca yar yare e Qaadka ka keena dalka Kenya, waxaana wararka ay intaa ku darayaan in diyaaraddu uu soo gaaray bur bur xooggan hasa ahaate lama sheegin wax khasaara nafeeed ah oo arrintaasi ka dhalatay.
Shaqaalaha garoonka ayaa sheegay in bur burka diyaaradda ay ka bad baadeen duuliyaashii waday, isla markaana iyagoo bad qaba ay ku sugan yihiin gudaha garoonka Guriceel.
Maamulka garoonka diyaaraddaha Guraceel ayaa xusay  in illaa hada aysan jirin wax xiriir ah oo ay la soo sameysay dowladda Kenya, balse iyaga ay wadaan dadaalo ay kulla xiriirayaan.
Diyaaradda maanta ku soo dhacay garoonka diyaaraddaha degmada Guriceel ayaa la sheegay in maalin walba ay Qaad keeni jirtay magaalada.
SomaliSwiss Guriceel
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Galgaduud |
You must be logged in to post a comment.