Halkaan ka akhri
Kooxda Al-Shabaab ee ka arimisa gobolka Galgaduud ayaa xabsiga u taxaabtay Culumaa’udiin iyo Ganacsato ku dhaqan degmada Ceelbuur.
Ganacsato iyo Culumaa’udiin ayaa waxaa lagu xirxiray Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduul, kadib markii sida lasheegay ay diideen in ay abaabulaan dhalinyaro ka qeyb qaata dagaallada ay Al-Shabaab kaga soo horjeedaan dowladda KMG Soomaaliya iyo Ciidamada Amisom, kaas oo ay ka wadaan qeybo ka mid ah Gobollada dalka.
Xaaladda Degmada Ceelbuur ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay tahay mid kacsan, iyadoo dadka degaanka ay ka xunyihiin falalka ay kooxda Al-Shabaab kula dhaqmayaan Ganacsatada iyo Culumaa’udiinka halkaasi ku dhaqan.
Sida ay sheegeen dadka deegaanka Ceelbuur kooxda Al-Shabaab ayaa ehelada dadkaasi ugu hanjabay in ay dili doonaan dadka ay hayaan, hadii ay dhalinyaradooda ka soo qeyb gali waayaan waxa ay ugu yeereen Jihaadka.
Si kasta ha ahaatee maaha markii ugu horeysay oo ay kooxda Al-Shabaab xarig u taxaabaan Wax-garadka, Culumaa’udiinka iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan degaanada ay iyagu gacanta ku hayaan.
SomaliSwiss Wabxo
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.