Ardayda iyo Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Sudan oo u dabaal degay munaasabadda Ciiddul Adxa.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

undefinedHalkaan ka akhri

Naadiga Suxufiyiinta Soomaalida Sudan “ Somali Journalists Club in Sudan” ayaa habeennimadii 7-dii bishaan xaflad loogu dabaal degayay ciida ku qabtay  hoolka shirarka Jaamacadda African University  ee magaalada Khartoum.

Xafladaasi oo loogu dabaal dagayay   ciida barakeeysan ee Ciidul Adxaa   oo  uu soo qaban qaabiyay Naadiga suxufiyiinta Soomaalida ee  Sudan  ayaa waxaa ka soo qeyb galay  dad fara badan oo isugu jiray Ardayda wax kabarta Jaamacadaha kala duwan ee wadanka Sudan,  , sii haya Safaaradda Soomalida ee Sudan, Siyaasiyiin iyo  Mas’uuliyiin kale oo ka soctay ururada Soomaalida ee ka howl gala gudaha wadanka Sudan.

Xafladda ayay ka hadleen, waxgarad iyo Masuuliyiin  ay ka mid ahaayeen: Dr. Xuseen Bashiir, Dr. Foowzi Max’ed Baarow, Aadan Cabdi Saneey  iyo  Ibraahim Guure iyo sii hayaha Safaarada Soomaalida ee Sudan ayay dhammaan ka hadleen muhiimadda Ciidul Adxaa.

Xafladda ayuu ugu horeyn hadal furitaan ahaa ka jeediay  Dr. Fowzi Max’ed Baarow  oo  umadda Soomaaliyed   iyo muslimiinta dhamaan ugu hanbalyeeyay  munasabada ciida isagoona  ka sheekeyay qiimaha ay leedahay  maalinta ciida iyo sida looga bahaan yahay in umada Soomaliyeed si wada jir ah u wada ciidaan, iskana iloobaan dhibaatada iyo kala qoqob naanta dhaxdooda ah, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaliyeed in ay gacmaha isqabsadaan si looga baxo dhibaatad dalka ka jirta.

Sidoo kale goobta xaflada waxaa ka hadlay Dr: Xusein Bashiir oo bara ka ah  Jaamacadda Africa waxana oo  ugu horeeynti  uhambalyeey umada somaliyeed iyo muslimiinta dhamaan munaasabada ciidul  adxaa waxana uU diirada saaray dhibaatada ka taagan wadanka Soomaaliya taasoo shacabka soomaalida u noqotay mid joogto ah  Dr.Xusein Bashiir waxa uu ka dalbaday dhamaan dadka somaliyeed   in  gacmaha isqab sadaan  sida looga baxo dhibaatada  ugu danbeeyti Dr.Xuseen Badhiir ayaa  ugu mahad celiyay naadiga suxufiyiinta somaliyeed ee sudan  sida eey usoo qaban qabiyeen xafladaan eeyna ugu shaqeyeen in arday somaliyeed kala qeyb qataan dabaal daga ciida.

Goobta xaflada ayaa waxaa isna hadal    kajeediyay  Aadan Abdi Aaneey oo ah madaxa mundamadatu  warsan  oo ugu horeeynti  ugu  hanbalyeeyay    umada somaliyeed iyo muslimiinta dhaaman manaasabada    ciida barakeeysan ee ciidul adxaa waxana  Aadan Saney ugu baaqay umada somaliyeed  in eey midoobaan  sida loo hela qaran somaliyeed  oo wadanka dib u hanta  umadana kasara dhibatada.

Siihaya safrada somaliya ee sudan ibraahim guure aya asna kahadlay xaflada waxana uu kasheekeyay qiimaha eey ledahay maalinta ciida iyo sida loobahan yahay in looweynaya isagoo sheegay in eey tahay malain muslimiinta kuweeyn loona baahan yahay in la,iscafiyo , la,isku uur fiyobado   waxana uu dadka soomaliyeed kubooriyay in eey gacmaha isqabsadan eeyna midoobaan  ugu danbeeynti waxa uu amaan ujeediyay naadiga suxufinta somaliyeed ee sudan  hoosha balaaran eey uhayaan bulshada somaliyeed.
Xafladaan ayaa inteey socotay waxaa lagu soo bandhigay  projecter kahadlaya wax qabdka naadiga suxufiyiinta somaliyeed ee sudan ,heeso iyo  tijaabi nasiibkaada eey guuleeyso.

Ugu danbeeynti kasoo qeyb galayaashi xafladaan ayaa wajiyadooda laga dheehan karay farxad iyo reereyn ayago iskuugu hanbalyeeynaya muna sbada ciida.

Mukhtar  Carab Muuse, Khartoum Sudan
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: