Madaxweyne Sheikh Shariif:- Ciidamadu waa in ay joojiyaan Qaadka iyo Sigaarka, hadii ay rabaab in ay guuleystaan.

undefinedHalkaan ka akhri

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya oo shalay Muqdisho kula hadlay Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa waxaa uu ugu baaqay Ciidamada dowladda inay joojiyaan cunista qaadka iyo cabidda sigaarka.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in cunidda qaadka iyo cabsita sigaarka uusan u wanaagsaneyn Caafimaadka, aqlaaqda iyo dhaqaalaha Ciidamada, isagoo tilmaamay in Ciidamada dowladda intii isticmaasha waxyaabahaasi inay joojiyaan.

Khudbadda ayaa waxaa uu Madaxweynaha ku sheegay in Xarakada Al Shabaab oo kasoo horjeeda Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM xilliyada qaadka uu yimaado ay weeraraan Saldhigyada ay ku leeyihiin Muqdisho xilliyada galabtana ay ku qaadaan weerar rogaal celis ah marka ay u fariistaan cunista qaadka sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn ayaa Madaxweynaha dowladda waxaa uu ugu baaqay Ciidamada amaanka inay xaqiijiyaan amaanka degmooyinka ay gacanta ku dhigeen sidii dadkii ka barakacay ay dib ugu noqdaan degmadaasi.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: