FBI-da Mareykanka iyo Dhallinyarada Soomaalida oo is daba jooga.

undefinedHalkaan ka akhri

FBI-da Maraykanka ayaa waxa ay sheegtay inay il gaar ah ku hayso dhalinyarada Soomaalida ah ee usoo socdaalaya Magaalada Muqdisho.

Warbixin kasoo baxday Hay’adda dambi baarista dalka Maraykanka ee FBI-da ayaa waxaa loogu digay in dhalinyaro kale oo Soomaali Maraykan ah ay usocdaalaan dalka Soomaaliya si ugu barbar dagaalamaan Xarakada Al Shabaab.

FBI-da dalka Maraykanka ayaa sheegtay in sanadadii lasoo dhaafay dhalinyaro ku sugneyd Magaalada Minnesota ay ku biireen Al Shabaab, iyadoo ay xustay in qaar ka mid ah dhalinyaradaasi ay is qarxiyeen.

Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in FBI-da ay aad ugu walaacsantahay wararka sheegaya in dhalinyarada Soomaalida ah  ee u socdaalaya Soomaaliya islamarkaana falalka aargigixisinimo ka gaysanaya gudaha wadanka, iyadoo sheegtay in il gaar ah ay ku hayso dhalinyarada kale ee ku sugan dalka Maraykanka.

Hadalkaani ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa xilli C/salaan Xuseen Cali oo 21-jir Soomaali Maraykan ahaa uu dhawaan isku qarxiyay Xarun Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss News Desk

SomaliSwisss@hotmail.com

%d bloggers like this: