Halkaan ka akhri
Mukhtaar Roobow Abu Mansoor oo ka mid ah masuuliyiinta ugu sareysa Xarkada Al-Shabaab ayaa caawa Maqribkii ka dib ka hadlay Masjidka wayn ee dabaqaynka magaalada Baydhabo asagoo halkaasi ka sheegay waxyaabo badan oo khuseeya arimaha Al-shabaab iyo xaaladaha hada kasoo cusboonaaday Gobolada ay gacanta ku hayaan xarakada Al-shabaab.
Roobow oo salaadii maqrib ku tukaday masaajidka wayn ee magaalada Baydhabo ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo in ay ka qayb qaataan dagaallada Al-shabaab wadaan, wuxuuna sidoo kale sheegay in Dadka ku dhaqan magaalada Baydhabo looga baahan yahay in ay hantidooda u huraan Al-Shabaab.
Waxaa waydiistay dadka haysta dhalinyarada in ay ubadkooda ku dhirigaliyaan in ay dagaalka ka qayb ka qaataan Mukhtaar Roobow aya ku dheeraaday meesha uu dagaalka Al-Shabaab marayo, isagoona sheegay in hada ay xaaladdu u wanaagsan tahay, wuxuuna xusay inay u baahan yihiin iskaashi lala yeesho xarakada.
Isku soo wada duuboo hadaladaan kasoo yeeraya Saraakiisha ugu saraysa malayshiyada Kooxda Al-shabaab ayaa maalinba maalinta ka danbeysa isa soo taraya kadib markii dhawaanahaan dagaaladii ay kula jireen Ciidamada Dowlada ay kasoo gaareen Jab xoogan dhawaan ayay ahayd markii Xasan Daahir Aways iyo Cali dheere ay cabasho u gudbiyeen Qaar ka mid ah Beelaha Somaliyeed.
SomaliSwiss Baydhabo
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Baidoa |
You must be logged in to post a comment.