Xasan Daahir Aweys oo farriin hanjabaada u diray Beelaha Abgaal, Majeerteen iyo Ogaadeen.

DHEGAYSO HADALKIISA

undefinedHalkaan ka akhri

Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah horjoogayaasha maleeshiyada Al-Shabaab ayaa shalay sheegay inay ku hungoobeen inay taageero ka helaan beelaha Soomaalida ah, kaddib markii ay kulamo la qaateen odayaasha si ay u dagaal-geliyaan dhallinyarada beelaha.

Horjoogaha oo ka hadlayay fagaare ku yaalla deegaanka Calamada ee duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegay in beelaha Soomaalida ah ay taageeraan dowladda KMG ah, maamul-goboleedyada iyo odayaasha dhaqanka.

Xasan Daahir ayaa dhinaca kale cambaareeyay heshiis ay dhowaan wada gaareen jabhadda ONLF oo ka dagaallami jirtay dhulka is-maamulka Soomaalida iyo dowladda Itoobiya.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa waxaa isugu darmay, taageerada shacabka oo ay waayeen, dhaqaale xumo iyo cadaadis uga imaanaya ciidamada dowladda KMG ah, waxaana dhowaan laga saaray magaalada Muqdisho.

Isagoo ka hadlayay fagaare kooxda Al-Shabaab ay shalay isugu keeneen dadka salaaddii ciidda ayuu hadal uu halkaas ka jeediyay ku sheegay in ay taageero ka waayeen beelaha Soomaalida oo uu sheegay inay badankood taageersan yihiin dowladda KMG ah, hase yeeshee wuxuu si gaar ah u xusay oo uu cabasho iyo digniinba u diray Abgaal, Majeerteen iyo Ogaadeen, wuxuuna ka yiri beelaha:

Beesha Abgaal.
Abgaal ayagaa Gaalada keenay Soomaaliya, Unisomkii ama Ciidamadii UN-ka waxaa Soomaaliya keenay Cali Mahdi Maxamed oo xilligaas loo diiday in uu Madaxweyne noqdo, sidoo kale Amxaaro waxaa keenay Cali Maxamed Geeddi, Haddana Burundi iyo Uganda waxaa keenay Sharif Sheikh Axmad Nuur Cadde.

Xasan Daahir wuxuu yiri Abgaal Quraanka xattaa faasiqooda ayaa yaqaan, ee maxaa ku dhacay?

Beesha Majeerteen.
Majeerteen waad og tihiin C/llaahi Yuusuf inuu balanballe iyo Goldogob uu Amaxaaro ku qabsaday oo Calankooda ay ka taageen Itoobiya!, Soomaaliya labaatan kun ciidamaa uu codsaday oo hadda sodan kun la gaarsiiyey, Qabiilka Majeerteen C/wali kan la leeyahay ma ahan Wali Ilaahay ee waa C/wali Kufaar, ma ahan wali Ilaahay ee waa C/wali Kufaar weeye, waxaan leeyahay Gaaladu Kursi idiin celin mayso ee Ilaahay ka baqa Majeerteenow oo soo raaca Al-Shabaab.Ninka Kale Waa C/raxmaan Faroole asaguna kama liito waa la mid.

Beesha Ogaadeen Ama Absame.
Ogaadeen waligood ilaa Sayidkii ayey soo halgamayeen laakiin hadda Wadaadadiina waxay raaceen Gaaladii, kuwii kalana waxaa lagu siray magacyo been ah sida Azania war waxaas waxba ma ahan! waryaan la idin kusirin magac beena, war qurunkaas ka jooga.

HALKAAN KA DHEGAYSO HADALKIISA.

FARRIINTA XASAN DAAHIR

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: