Kenya oo Cafis u yaboohday Dhalinyaradooda hore ugu biirtay Xarakada Al-Shabaab.

Halkaan ka akhri

Dawlada dalka Kenya ayaa dhawaan soo saartay baaq ay cafis ugu fidineyso dhalinyaro Kenyan ah oo hore ugu biiray kooxda ay iminka dagaalka kula jirto ee Al Shabaab.

Xoghayaha amniga guddaha ee dalka Kenya Francis Kimemia oo baaqan shaaciyay ayaa sheegay in dhalinta Shabaabku tababreen ee dalka Kenya u dhashay in la cafin doono lagana caawin doono sidii ay dib bulshada uga mid noqon lahaayeen.

Shabaabka ayaa hore dhalinyaro fara badan oo dalkaas u dhashay u qortay si ay uga dagaal geliyaan guddaha dalka Soomaaliya.

Dhalinyaradaasa reer Kenya ee Shabaabku qortay ayaa u badanaa qaar bilaa camal deegaanada Soomalida u joogay oo ay soo jiidatay mushaharo ay Shabaabku bixinayeen.

Shabaabka ayaa si weyn sanadihii ina dhaafay uga qoranayay dhalinyaro fara badan masaajido ku yaal Nairobi, Isiolo iyo Eastleigh (Islii).

Baaqa Kenya waxa uu ku soo beegmayaa xili qaraxyo isdaba joog ah ay ka dhacayaan guddaha dalkaasi iyada oo looga shaki qabo in ay geysanayaan taageerayaasha Shabaabka ee dalkaasi ku nool.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: