Horjooge-yaasha Al-shabaab ee Jowhar oo Khilaaf xoogani soo kala dhex galay una kala jabay Laba.

undefinedHalkaan ka akhri

Maleeshiyo ka amar qaadata horjoogaha Al-Shabaab ee saldhigga magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa lagu soo warramayaa inay shalay dib u faageen god dadka lagu ciqaabi jiray, kaas oo horay loo aasay, waxaana ay arrintaas salka ku haysaa khilaaf u dhaxeeya horjoogayaasha maleeshiyada.

Godka oo lagu magacaabo nambar Uno ayaa ku yaalla inta u dhaxeysa xaafadaha Buulo Sheekh iyo Horseed ee magaalada Jowhar, waxaana la aasay dhowaan kaddib markii uu sidaas amray Yuusuf Kabo-ku-tukade oo ah horjoogaha ugu sarreeya maleeshiyada Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Horjoogaha saldhigga Jowhar ee Al-Shabaab, oo lagu magacaabo Abuu Qamsa ayaa maleeshiyadiisu waxay sidoo kale dadka ka qaadeen diishashkii guryaha u yaallay ee ay ka daawanayeen telefishinnada caalamka, sida ay SomaliSwiss u sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya inay jirto cabsi ku aaddan waxa xigi kara khilaafka labada horjooge oo laga cabsanayo inuu isku beddelo dagaal fool ka fool ah, iyadoo Kabo-ku-tukade uu haatan ku sugan yahay deegaannada loo barakacay ee duleedka Muqdisho.

SomaliSwiss Jowhar
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: