Laba ka mid ah Fanaaniinta sanadahaan lajecelyahay oo lagu wado in Arooskoodu dhaco.

undefinedHalkaan ka akhri

Laba fanaan oo sanadahaan aad u soo caan baxayay, kana mid ahaa, kuwa heesahooda ay Soomaalidu ugu dhegaysiga badan tahay ayaa lagu wadaa inay dhowaan ku aqal galaan dalka Emaaraadka Carabta.

Ilo wareedyo kala duwan oo isugu jira sokeeye iyo saxiibo ku dhow dhow fanaaniintaas ayaa sheegay in in ay dhowaan ku aqan geli doonaan magaalada Dubai ee isku taga Imaaraadka Carabta.

Ilo wareedkaasi waxay sheegeen in Labada fanaan ee Nimco Dareen iyo Axmed Biif uu meherkoodu ka dhacay Kilinka 5-aad ee Itoobiya oo mudooyinkaan ay ku sugnaayeen labada Fanaan, waxayna sidoo kale warbixintu tibaaxaysaa in 20-ka bishaan arooskoodu ka dhici doono Dubai.

Ilo Wareedyadaas SomaliSwiss u warramay ayaa sheegay in labada fanaaan  mudooyinkaan dambe ay aad isugu dhowaayeen, isla markaana ay wada kaxeynayeen tariinka caashaqa.

Si kastaba ha noqotee, aqal galka labadaan fanaan ayaa haddii uu run noqdo imaanaya xilli muddo gaaban ka hor ay kala tageen labada fanaan ee Farxiyo Fiska iyo Bashiir Hanuuniye oo sanad kahor wada aqal galay.

SomaliSwiss Sharjah
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: