Al-Shabaab oo degmada Afgoye ka bilowday diyaargarow ay sheegen in ay isaga difaacayaan ciidamada Kenya iyo duqeymaha diyaaradaha.

undefinedHalkaan ka akhri

Kooxda Al-Shabaab ee ka arimisa degmada Afgooye ayaa waxaa ay Haamihii Wakaaladda Biyaha ku rakibteen qoryaha loo yaqaan ZUU ee lagula dagaalamo diyaaradaha, iyagoo sheegay in ay qoryahaaso kula dagaalamayaan diyaaradaha ciidamada Kenya.

Xaaladda degmada Afgooye oo ka tirsan gobolka Sh/hoose ayaa saakay aad u kacsan, kaddib markii ciidamada kooxda Al-Shabaab ay halkaasi ka bilaabeen dhaqdhaqaaqyo iyo diyaar garow dagaal oo ay sheegeen in ay isaga difaacayaan weerarada ay ciidamada dowladda Kenya sheegeen in ay ku qaadayaan fariisimayaasha ay Al-Shabab ku leeyihiin Koonfurta Soomaaliya.

Ciidamo fara badan oo wata Gawaarida tiknikada ah ayaa dhaqdhaqaaqyo aan caadi ahayn ka bilaabay degmada Afgooye, kuwaasi oo sheegay in ay u diyaar garoobayaan weeraro kaga yimaada dhinaca ciidamada dowladda Kenya, iyo diyaaradaha wax duqeeya.

Wararka naga soo gaaraya degmooyin ka tirsan gobolka Sh/hoose oo ay weli ku sugan yihiin kooxda Al-Shabaab ayaa sheegaya in sidoo kale halkaasi ay ka wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan, iyagoo shacabka gaar ahaan dhallinyarada iyo odayaasha ku amray in ay ka qeyb galaan waxa ay ugu yeereen Jihaadka ee lagala horjeedo ciidamada dowladda Kenya ee ku soo wajahan gobolada ay iyagu ka taliyaan, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale shacabka ku dhaqan magaalooyinka ay Al-Shabaab ka taliyaan, ayaa sheegay in ay soo wajahday cabsi la xariirta in weerarka lagu baacsanayo kooxda Al-Shabaab iyo duqeymaha diyaaradaha uu saameyn ku yeesho iyaga.

Dadweynaha ayaa sidoo kale ka cabanaya  hanjabaadyo uga imaaneysa dhinaca maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaasi oo ugu hanjabay cidii isku dayda in ay ka guurto meelaha ay ku sugan yihiin,ay lamid dhigayaan cadowga iyaga kasoo horjeeda.

Toddobaadkii la soo dhaafay ayay ahayd markii laba ka tirsan ganacsatada deegaanka Ceelasha Biyaha midna si xun loogu dilay ilaa ay naftu ka baxdo, halka midka kalena la gowracay kadibna la soo dhigay agagaarka Jaamacadda Shabeelle, isagoo qoortiisa feeraha loo soo saaray, taasi oo keentay in shacabka u barakacay degaanadaasi ay iska iloobaan in ay guryahooda dib ugu laabtaan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: