Al-Shabaab oo Buurdhuubo ka afduubtay oday dhaqameeyo ka yimid Garbahaarreey.

undefinedHalkaan ka akhri

Qaar ka mid ah Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa shalay galinkii dambe waxa ay deegaanka Buurdhuubo ka qafaaleen ku dhawaad 10-Odayaal dhaqameed oo la sheegay inay ka qeyb galayeen aqoon is weedaarsi looga hadlayay xasilinta amaanka gobolka Gedo.

Qeybo ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in afduubkaani uu ka dambeeyay kadib markii Odayaashaani mudooyinkii dambe uu Siminaar uga socday degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo islamarkaana markii ay kasoo laabteen degmadaasi ay wadada u galeen Ciidamo ka tirsan Al Shabaaab oo hore uga sii afduubtay deegaanka Buurdhuubo.

Waxgaradka degmada Garbahaareey ayaa arrintaas qafaalka odayaal dhaqameedka ahaa ku tilmaamay inay tahay arrin fool xun oo ay ku dhaqaaqeen xarakada Al-Shabaab, waxaana codsadeen in si dhaqsi ah loo sii daayo maxaabiistaas.

Majiro war ku saabsan qafaalka oday dhaqameedyada oo ka soo baxay Xarakada Al Shabaab hase yeeshee waxaa inta badan dhacda in Al Shabaab marar badan  dhibaatooyin u gaystaan dadka rayidka  ah oo aan waxba galabsan.
SomaliSwiss Baydhabo
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: