Advertisements

Maxay kuu muujineysaa xafladdan qalinjebinta ah ee Jaamacadda Banaadir? (Faallo) ..

undefinedHalkaan ka akhri

Soomaali badan oo ku nool dalka gudihiisa iyo dibeddiisa ayay lama-filaan ku noqotay in Jaamacadda Banaadir ay qabsato xaflad qalinjebin ah, iyadoo weli ay maskaxda shacabka ka sii guuxeyso qaraxii lala beegsaday xafladdii qalin-jebinta ee jeemacaddaas oo dhacday 3dii Diseembar 2009kii.

Jaamacadda Banaadir waa meeshii dagaalka Al-Shabaab ee ka dhanka ah waxbarashada uu ka soo billowday, hase yeeshee dad badan ayaan markaas dareensaneyn oo u maleynayay in la bar-tilmaameedsanayo wasiirro dowladda ka tirsan oo xitaa iyaga laftooda in beegsado aysan ahayn wax diin shaqo ku leh.

Hase yeeshee, in dagaalku ka weyn yahay wasiir la beegsanayo waxay soo shaac-baxday markii wiil ay Shabaab u soo direen inuu isku qarxiyo Xarunta Hargaha iyo Saamaha uu sheegay in bartilmaameedka ay ka mid yihiin ardeyda dalka dibeddiisa u aadeysa deeqo waxbarasho.

Markii la soo ururiyay dareenka shacabka Soomaaliyeed waxaa noo soo baxay:

  1. Shacabka Soomaaliyeed noloshooda uma joojinayaan cabsi iyo cago-jugleyn oo waa tan Jaamacadda Banaadir ay qabsatay xaflad qalin-jebin ah, taasoo u muuqata in la leeyahay “waxaad doontaan sameeyaa anaga nolosheena kama quusaneyno”
  2. Waxaa xafladda joogay madaxdii jaamacadda ee goobjoogga ka ahayd maalintii falka arxandarrada ah lala beegsaday jaamacadda, taasoo iyadana muujisay in geesinnimada maamulka Jaamacadda.
  3. Hadafka Shabaab waa in dhallinyarada laga niyad-jebiyo waxbarashada, waayo waxay ogyihiin in dad waxbartay inaan laga gadi karin fikirka khaldan. Hase yeeshee in waxbarashada ka sii socoto dalka oo dhallinyarada Soomaaliyeed ay isugu jiraan kuwo wax ku baranaya gudaha iyo kuwo ay Dowladda Soomaaliyeed deeq waxbarasho ay u heshay waxay muujineysaa inay ku fashilmeen hadafkii ay ka lahaayeen beegsiga waxbarashada.
  4. Madaxda Al-Shabaab sida Axmed Godane, Xasan Daahir, Fu’aad Shoongole, Ibraahim Afgaani iyo kuwo kale waxay xaasaskooda iyo carruurtooda ku nool yihiin dalalka Imaaraadka, Masar, Sweden iyo meelo kale, halka carruurta Soomaaliyeed ay colaad ka daba wadaan.

Inta ay Dowladda Soomaaliyeed ku mashquulsan tahay iskuul la dhiso, ardey waxbarasho loo diro, laami la dayactiro, nadaafadda iyo caafimaadka oo laga shaqeeyo, sharaftii Soomaaliya oo la soo celiyo iyo waxyaabo kale, waxay Shabaab ku mashquulsan yihiin inay miino meel ku aasaan, inay soo diraan wiil isqarxiya, inay shacabka barakiciyaan iyo dhaqamo kale oo xunxun.

Waxa ugu weyn ee aan Shabaab kaga adkaan karno waa inaan nolosheena caadi u wadano oo aan ka shaqeyno horumarka dalka. Taas waxay Shabaab uga daran tahay xabadda Ciidamada Qalabka Sida.

W.Q. Ibraahim Cabdi, Muqdisho

HALKAN KA AKHRI WARAR KU SAABSAN QARAXYADII LAGU XASUUQAY ARDAYDII HOTEL SHAAMOW IYO KUWII WARSHADA HARGAHA IYO SAAMAHA EE MAGAALADA MUQDISHO

Wasiiro ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya iyo Wariyeyaal ku geeriyooday qarax xoogan ka dhacay Hotel Shaamow ee magaalada Muqdisho. December 3, 2009

Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxdaysa Qarixii xooganaa ee Saakay ka dhacay Hotelka Shaamow ee magaalada Muqdisho. December 3, 2009

Aas Qaran oo loo sameeyay Wasiiradii ku geeriyootay Qaraxii ka dhacay Hotel Shaamow. December 4, 2009

Ardaydii ku dhaawacmay qaraxii Shalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo loo qaaday mag. Nairobi December 4, 2009

Cali Dheere oo ku faanay in ay laayeen kooxdiisu Ardaydii shalay iyo kuwii hore ee Hotel Shaamow. October 5, 2011

Daawo Qaraxii Maanta ka dhacay KM4 Muqdisho. October 4, 2011

Qarixii Maanta ka dhacay Muqdisho oo uu fuliyay nin la sheegay inuu ahaa Kenyaati iyo kooxda Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda Qaraxaasi. October 4, 2011

Banaanbax weyn oo looga soo horjeeday qaraxii lagu laayey shacabkii Soomaaliyeed oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho. October 9, 2011

Qarax ismiidaamin ah oo galabta lagu dilay Wasiirkii arimaha gudaha C/Shakuur Sheikh Xasan Faarax. June 10, 2011

Muuqaalladii ugu dambeeyay ee Wasiirka Caawa la-dilay oo saacado ka hor Muqdisho kula hadlay dad isu soo baxay oo taageersanaa dowladda. June 10, 2011

Advertisements
%d bloggers like this: