Kenya oo cunaqabateyn Hawada iyo Badda ah ku soo rogtay Gobollada ay maamulaan Al-Shabaab.

undefinedHalkaan ka akhri

Dowladda Kenya ayaa shaacisay inay cunaqabatayn hawada ah ku soo rogtay hawada Koofureed ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobollada ay ka taliyaan maamullada Xarakada Al-Shabaab.

Wasaaradda Gaashaan dhigga dalka Kenya ayaa sheegtay in ay ilaalo joogto ah ka hayn doonaan, isla markaana soo ridi doonaan diyaaradii lagu arko hawada gobollada koonufureed ee Soomaaliya ee ay maamulaan xoogaga Alshabaab.

Sarakiisha hogaamineyso millitaryga Kenya ayaa sheegay in ay jiraan diyaarado ay ku arkeen hawada goobaha ay ku suganyihiin askartooda, waxaana ay sheegeen in ay u arki doonaan diyaaradahaasi kuwo carqadaleynaya ammaanka, iyagoona si gaar ah farta ugu fiiqay magaalada Baydhabo oo ay sheegeen in ay gubi doonaan diyaaradii ka dagta.

Dhanka kale ciidamda badda Kenya ayaa sheegay in ay gubeen doon ay saarnaayeen 18 askari oo looga shakisanyahay in ay katirsanaa yeen xoogaga Al-Shabaab, taas oo mareysay nawaaxiga jaziiradda Kuda ee gobolka J/hoose.

Afhayeenka dhinaca millitaryga Kenya Emanuel Chirchir ayaa sheegay in xoogaga Alshabaab ay haatan isticmaalaan dameero si ay ugu gudbiyaan hubka, waxaana uu sheegay in ay bartilmaameedsan doonaan islamarkaasina u tixgelin doonaan inay Alshabaab katirsanyihiin gaari dameerada xamuulka sida ee isaga kala goosha gobollada Jubooyinka.

“Shabaab hasoo dejiyaan hub inta ay rabaan, anagana waxaan ballan qaadeynaaa in ay burburinno inta aan awoodno,” ayuu yiri Afhayeenka dhinaca militaryga dalka Kenya Emanuel Chirchir.

Askar fara badan oo katirsan dowladda KMG iyo kuwa Kenya ayaa lagu daadiyay nawaaxiga magaalada Afmadow iyo magaalada Kismaayo dhankaa xeebta, iyadoona dowladda Kenya ay shaacisay dagaal ay ku qaadi magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow ee gobolka J/hoose.

“Roobab lixaad leh oo ka da’ay gobolka ayaa xayiran askarteena, balse waxa nag go’an in aan gacanta ku dhigno magaalooyinka lafdhabarta u ah Alshabab,” ayuu markale yiri afhayeenka millitaryga Kenya Emanuel Chirchir

Xoogaga Alshabaab ayaa magaalada Kismaayo ka wada diyaargarow aad u xoogan oo ay ku doonayaan in ay kaga hortagaan weerarrada kusoo wajahan, waxaana magaalada Kismaayo ka socdo abaabul ciidan oo aad u xoogan, iyadoona shacabka ku dhaqan degmadaasi loogu baaqay in ay hubka qaataan islamarkaasina iska difaacaan duulaanka ay ciidamada isbaheysiga ah kusoo qaadeen goblla Jubooyinka.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: