Advertisements

Gudoomiyeyaashii degmooyinka Kaaraan iyo Xamar Jajab oo lagu xakumay xabsiyo dhaadheer.

undefinedHalkaan ka akhri

Gudoomiyihii hore ee degmada Kaaraan Cabdullaahi Maxamed Rooble ayaa bishii hore ee Oktoobar 28-keeda ciidamo ka tirsan dowladda KMG ay xabsiga u taxaabeen, kadib amar ka soo baxay Maxkamadda ciidamada Qalabka sida.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukunno kala duwan ku ridday qaar kamid ah guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir, kadib markii ay ku caddaadeen danbiyada lagu soo oogay.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Maxamed Xuseen “Muunagaab” ayaa sharaxay guddoomiyayaasha ay maxkamaddu Xukuntay iyo kuwa ay baaristu ku socoto.

G/sare Xasan Maxamed “Muungaab” guddoomiyaha maxkamadda ciidamada sida ayaa sheegay in maxkamaddu 10 sano oo xabsi ah ku xukuntay guddoomiyihii hore ee degmada Kaaraan C/llaahi Maxamed Rooble, sidoo kale maxkamadu waxaa ay 15 sano oo xarig ah ku xukuntay guddoomiyihii hore ee degmada Xamar Jajab Bashiir Cabdi Nuur, kadib markii sida uu ku caddaaday danbiga lagu soo oogay oo ahaa xatooyo xoolo dadweyne iyo ku takrifal mas’uuliyadeed haatana ay xabsiga ku jiraan iyadoo xilalkii laga qaaday ka hor inta aan la xukumin.

Sidoo kale gudoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa tilmaamay in ay ku raad joogaan sadex gudoomiye degmo oo kale kuwaas oo lagu tuhmayo in ay xadaan gargaarka bani’aadanimo ee loogu tala galay dadka tabaaleysan ee ku nool degmooyinka ay mas’uulka ka yihiin.

Gudoomiyaha ayaa ka digay in masuulkii lagu qabto isagoo xadaya raashinka gargaarka ah ee loogu tala galay dadweynaha ay maxkamadu ku ridi doonto xukun lamid ah kan lagu riday gudoomiyayaashii hore ee degmooyinka Kaaraan iyo Xamar Jajab.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: