Qaxooti Soomaali fara badan oo sheegay in ay dhibaatooyin dhinaca ammaanka ah ay ku haysato dalka Libya.

undefinedHalkaan ka akhri

Dad Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku go’doonsan yihiin Xaafado kamid ah magaalada Tripoli ee dalka Libya, iyagoo ka cabanaya xaalado dhinaca nolosha ah.

Sida ay SomaliSwiss u sheegeen qaar ka mid ah dadka ku nool dalka Libya, waxaa Xaafaha qaar ee Magaaladaasi ku go’doonsan dad badan oo Soomaali ah oo ka cararay dhibaatooyinka mudada dheer ka  taagan wadanka Soomaaliya, iyadoo jabhadaha halkaas qabsaday ay u garanayaan wixii madoow ee dad ah inay yihiin calooshood u shaqeyste yaal oo la dilayo haddii la qabto..

mid ka mid ah dadkaas oo lagu magacaabo C/casiis Qorane Max’ed waxa uu sheegay inay jiraan caruur, haween iyo dad da’ah oo xilligaani ku go’doonsan Magaalada Tripoli ee dalka Libya, isagoo tilmaamay in xaaladda ka jirta Magaaladaasi ay tahay mid aad u adag, loona baahanyahay in wax laga qabto.

Nimco Muuse Caraalle oo iyana ka mid ah Soomaalida ku dhibaataysan dalka Libya oo la hadashay Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegtay in dalkaasi dhiabatooyin kala duwan ay kala kulmaan Soomaalida ku sugan, iyadoo dowladda KMG ka codsatay in arrimahaani la soo faragaliyo oo waxbadan laga qabto.

Tan iyo markii wadanka Libya ay ka dhaceen dagaaladii looga soo horjeeday Madaxweynihii dalkaasi ee la dilay waxaa isa soo tarayay dhibaatooyinka iyo xaaladaha nolol xumo oo la soo gudboo naanaysay Soomaalida ku dhaqan dalkaasi, iyadoo ilaa iyo iminka aan la’ogayn halka xaalkoodu ay ku dambeyn doono kuwa kale ee iminka halkaasi ku sugan.

SomaliSwiss Tripoli

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: