Sheikh Shariif oo sheegay in uu yahay kan ugu wanaagsan ee hoggaamin kara Soomaaliya, doorashada soo socota ee 2012.

undefinedHalkaan ka akhri

Jariidada Al Ahram ee ka soo baxda Qaahira oo waraysi la yeelatay Sheikh Shariif ayaa weydiisey su’aal ku saabsanayd faragelinta shesheeye su’aashaas oo ahayd “Waxaa shacabka Soomaalidu ay si weyn u hadal hayaan in ay jiraan faragelin shisheeye oo curyaaminaysa maslaxadda Soomaaliya iyo xasiloonideeda, sidee u aragtaa arrintaas?

Waxaa uu Madaxweyne Shariif ku jawaabey: “Waxaa jira dano laga leeyahay dhammaan dalalka adduunka, waxaase muhiimaddu tahay sidee ula dhaqanaa dalalkaas wata danahooda gaarka ah naga fushanaya”.

Markii la weydiiyey “Ma dooneysaa in aad markale isu magacawdo Madaxweynanimo?” Waxaa Sheikh Shariif ku jawaabey:

“Waxaan ka soo gudubney xilligii adkaa, waxaana geli doonaa waqtigii dib u dhiska iyo dhismaha, waxaana u malaynayaa in qofkii xilka soo hayey watigaas adag in uu ka khibrad wanaagsan yahay qof kasta oo aan garanayn meel uu wax ka bilaabo, sidaas daraadeed waxaan rajaynayaa in aan xilka sii hayn doono xilliga soo socda,” ayuu yiri Sheikh Shariif.

Dhanka kale waxaa maalintii 19aad galay xad-gudbka ay Kenya ku gashay gudaha Soomaaliya, ayadoo ay militariga Kenya ku hanjabeen in ay diyaarado ku duqayn doonaan magaalooyin badan oo ku yaal Koonfurta Soomaaliya.

Arrinta ku saabsan duqaynta cirka weli Sheikh Shariif wax war ah ka soo saarin, lagana maqal war ka dambeeyey hadalkii uu hore u sheegay ee ahaa in uu ka soo horjeedey ciidamada Kenya, ayna ka dambeysey in ra’iisul wasaaraha DFKMG heshiis magaalada Nairobi kula soo saxiixday Kenya.

HALKAN KA AKHRI QORAALKA OO CARABI AH

الرئيس الصومالي شيخ شريف لـ الأهرام‏:‏
اقتربنا من القضاء علي شباب المجاهدين والتطرف

SomaliSwiss Monitoring Desk

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: