Garoonka magaalada Baydhabo oo ku mashquulsan dejinta Hub diyaarado ay ka keeneen dalka Eritrea.

undefinedHalkaan ka akhri

Garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ayaa ku mashquulsan dejinta hub diyaarado ay keeneen kaas oo laga dejinayay afartii maalmood ee la soo dhaafay.

Hubkaan ayaa la shegay inuu ka imaanayo dhinaca dowladda Ereteria oo gacan saar weyn la leh, kooxaha Al-Shabaab iyo AlQaacida ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya, hase yeeshee Ereteria way iska fogaysay arrintaas, waxayna dusha u saartay inay ka dambeyso Ethiopia. 

Dowladda Kenya ayaa ku eedeysay Eritrea in diyaarado hub sida ay ka dejisay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo maalmihii u dambeeyay ay isa soo tarayeen tuhunka ku aadanaa diyaarado ka degay Magaaladaas.

Afhayeenka ciidamada milateriga Kenya Major Emmanuel Chirchir ayaa sheegay in labo diyaaradood ay todobaadkii hore ka dageen garoonka Baydhabo, kuwaasoo hub siday. “Waxaan ku heleynaa xog in labo diyaaradood todobaadkii hore ka dageen Baydhabo, waxaa jira diyaarad kale oo saddexaad oo halkaas ka degay”ayuu yiri Afhayeenka Milateriga Kenya.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in hubka ay sido diyaaradan uu qorshuhu yahay in lagula dagaalamo Ciidamada Kenya sida uu hadalka u dhigay.

 Dhinaca kale Afhayeenka ayaa sheegay inay bur burin doonaan hubkaas, isla markaana bakhaarada la geliyay keydka Hubka ay uga daba tagi doonaan meel walba oo ku yaala.

 Eritrea ayaa dhankeeda beenisay inay wax hub ah u dirtay Al-Shabaab, Qaramada Midoobey ayaa horaantii sanadkan ku eedeysay in Eritrea ay jebisay cunaqabateynta hubka Soomaaliya, kadib markii ay u dal dalshay hub fara badan.

SomaliSwiss Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: