Allaha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Muxummed Ugaas Cilmi oo ku geeriyooday Buq Aqable.

Halkan ka akhri

Allaha u naraxiistee waxaa degmada Buq-Aqable oo ka tirsan gobolka Hiiraan ku geeriyooday Ugaaska Beesha Gaaljecel Ugaas Cabdullaahi Ugaas Muxummed Ugaas Cilmi Ugaas Jiirow oo mudooyinkan dambe xanuun sanayay.

Madaxda ugu sareysa ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa Tacsi u diraysa Eheladii iyo Asaxaabtii uu ka geeriyooday Allaha u naxaristee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Muxummed Ugaas Cilmi, iyagoo sheegay in Ugaaska uu ka geeriyooday dhamaan Umadda Soomaaliyeed, ayna Alle uga baryayaan in uu janadii Fardowso ka waraabiyo.

Sidoo kale waxaa tacsi u diraya Eheladii iyo Asaxaabtii uu ka geeriyooday Uguaasku iyo umadda Soomaaliyeedba Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Mudane C/qaadir Max’ed Dhicisow, Xildhibaanno ay kamid yihiin Xildhibaan Cumar Aadan Xasan Cumar Dheere, Xildhibaan Saalax Cali Faarax, Xildhibaan Max’uud Cabdi Garweyne, Xildhibaan Abuukar Cali Maqaney, Xildhibaan Muuse Nuur Aamiin, Xildhibaan Sheikh C/Sataar Sh. C/Salaan Sh. Aamiin iyo xubno kale oo aad u fara badan ayaa ka mid ahaa madaxdii ka tacsiyadeysay geerida ku timid Ugaaska Beesha Gaaljecel.

Sidoo kale waxaa tacsi u diraya Ugaaska Beesha Gaaljecel madaxweynaha dowlad goboleedka Hiiraan & Midland C/qaadir Aadan Jiraabey iyo golaha xukuumadiisa oo dhan, waxayna leeyihiin Samir iyo iimaan alaha naga wada siiyo, Janadii Fardowsana Allaha ka waraabiyo.

Allaha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi waxa uu ifka kaga tagay 52 qof oo isugu jira carruurtii uu dhalay iyo kuwii ay sii dhaleen sida ay sheegeen qaar ka mid ah eheladiisa, waaxana aaska Ugaaska lagu wadaa in uu ka dhaco maanta, isla degmada Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan, iyadoo la filayo in ay ka qayb qaataan duubabka dhaqanka iyo shacabka Gobolkaasi ku nool.

Allaha u naxariistee Ugaaska ayaa lagu xasuustaa in uu ahaa shaqsi door muhiim ah ka qaatay dhex dhexaadinta iyo u kala dabqaadida Beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolkaasi, isagoo ahaa nin si weyn uga dhex muuqday duubabka gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale waxaa maanta  Muqdisho lagu qabtay xaflad baroor diiq ah oo loo sameeyey Ugaaska, iyadoo ay ka qayb galeen mas’uuliyiin isugu jirta labada Gole ee dowladda iyo mas’uliyiin horey uga tirsanaa Xukuumaddii hore ee R/wasaare Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: