Garoonka Baydhabo oo la filayo in waqtiyada soo socda uu hub uga soo dego kooxda Al-Shabaab.

undefinedHalkaan ka akhri

Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ayaa amarro ku soo rogay dadka ku dhaqan magaalada Baydhabo kuwaas oo loo sheegay inay ka guuraan meelaha u dhow Garoonka magaalada Baydhabo.

Saraakiil sare oo ka tirsanĀ  Al-Shabaab aya Mikrafoonno la dhex wareegayay xaafadaha ku dhow garoonka Baydhabo, kuwaas oo dadka ku amrayay inay si dhaqso ah uga guuraan halkaas.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Maamulka Magaaladda Baydhabo ee Xarakada Al-Shabaab Sheikh Aadan Abuu Safiya, oo la-hadlay Idaacada Andulus oo ku hadasha afka Xarakada Al-Shabaab, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Xarakada Al-Shabaab ay dooneyso, in dadkaasi ay iskaga guuraan goobaha ku dhaw dhaw Garoonka Diyuuradaha ee Magaaladda Baydhabo, mana sheegin sababta halkaas loo banaynayo.

Ma cadda qorshaha Al-Shabaab ay ka damacsan yihiin faarujinta, deegaankaas u dhow garoonka, waxaase la qiyaasayaa oo warar hoose sheegayan inay ka soo degayaan diyaarado hub u sida Al-Shabaab oo ka imaanaya dhinaca Ereteriya.

SomaliSwiss Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: