Ciidamada katirsan Nabad Sugidda dowladda KMG oo baaritaano ku sameeyay guriga Xaaji Abuukar Cumar Cadaan.

undefinedHalkaan ka akhri

Ciidanka Nabad sugidda dowladda KMG ah ayaa baaritaano ku sameeyay guri uu lahaa mid ka mid ah ganacsade-yaashii ugu waynaa ee taageeri jiray Maxkamadaha, haatanna taageera xarakada Al-Shabaab.

Saraakiil katirsan hay’adda Nabad sugidda dowladda KMG Soomaaliya ayaa xoog ku galay guriga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Cadaani, iyadoo beryahan dambe ay soo baxayeen warar sheegaya in uu Xaajigu taakuleyn xoogan siiyo kooxda Al-Shabaab, isla markaana ka guuray deegaankiisii markii laga qabsaday xarakada Al-Shabaab.

Xaaji Abuukar iyo carruurtiisa ayaa ka guuray magaalada Muqdisho, waxayna u guureen gobollada Shabeellada Hoose iyo Shabeelaha dhexe oo ay maamulaan kooxda Al-Shabaab.

Ilo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan dowladda KMG ah iyo Al-Shabaab ayaa sheegay in mowqifka Xaaji Abuukar uu caddaa, isla markaana uu taageersanaa Al-Shabaab, taas oo la sheegay in aysan ahayn wax qarsoonaa.

Guriga Xaaji Abuukar C/ Cadaan oo ku yaalla agagaarka Hotelka Ramadaan ayaa markii ay galeen nabad sugidda dowladdu, waxay horay u sii qaateen dukumiintiyo yiilay guriga, mana cadda waxa ay ahaayeen dukumiintis-kaas.

SomaliSwiss Muqdisho.

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: