Ciidamo gaaraya illaa 900 Askari oo tababar kusoo dhameystay dalka Ugandha oo Maanta garoonka Muqdisho laga soo dajiyay.

undefinedHalkaan ka akhri

Ku dhawaad 1000 askari oo ka mid ah ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya oo tababar Militari ku soo qaatay dalka Uganda ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Mudisho, iyadoo Askar tiradaasi bedelkeeda ahna isla maanta tababar loogu qaaday Uganda.

Saraakiil ka tirsan ciidamada XDS oo uu kamid ahaa Gen. Cali Caraaye Cosoble “Gacma dullo” ayaa garoonka diyaaradahaMuqdisho ku soo dhaweeyay 900 askari oo tababar muddo Lix bilood ah ku soo qaatay dalka Uganda.

Sidoo kale garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa ka ambabaxay 900 Askari oo kale, kuwaasi oo tababar ciidan kusoo qaadan doona dalka Uganda, si ay uga mid noqdaan ciidamada XDS ee howlgallada ka wada gudaha dalka.

Dowladda Uganda oo ay ciidamo ka joogaan dalka Soomaaliya ayaa waxaa ay horey u soo tababartay ciidamo farabadan oo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya, kuwaasi oo ku guuleystay in ay Al-Shabaab ka saaraan magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: