Kooxda Al-Shabaab oo Maanta Haween badan Xabsiga u taxaabay magaalada Baladweyne.

undefinedHalkaan ka akhri

Waxaa maanta Xabsiga magalada Baladweyne loo taxaabay 8 haween ah kadib markii lagu eedeeyay in ay xijaab la’aan magalada u soo baxeen,  sida uu sheegay  taliyaha Al-Shabaab ee saldhiga magaalada Baladweyne.

Haweenkaa ayaa waxay iskugu jireen kuwa la qabo iyo kuwa dhalinyaro ah waxaana ay hada ku jiraan xabsiga wayn ee magaalada Baladwayne.

Nin ka mid ah kuwa xaasaskooda la xiray ayaa warbaahinta SomaliSwiss u sheegay in laga kaxaystay xaaskiisii oo suuqa adeeg u doontay wuxuuna sheegay in ay 6 caruur ah u lahayd.

Ninkaan ayaa sidoo kale sheegay in Al-Shabaab ay u diideen in uu xaaskiisa soo booqdo, iyagoo sheegay in Haweenkaan la sii dayn doono markii ay u hogaansamaan shuruucda Al-Shabaab, intii ka sokaysana aan loo ogoleyn in la booqdo.

SomaliSwiss Beledweyne

SomaliSwiss@hotmai.com

%d bloggers like this: