Advertisements

Dowladda Mareykanka oo shaacisay Sawirka wiilkii Soomaalida Mareykanka ee isku qarxiyay Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Dowladda Maraykanka ayaa waxay shaaca ka qaaday in mid ka mid ah Soomaalida Maraykanka uu isku qarxiyay Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, iyadoo taasi xaqiijisay.

Dowladda Maraykanka ayaa waxay marka hore  sheegtay in ninkaan dhalinyarada ah lagu magacaabo Cabdi Salaan Xuseen Cali, kaasoo ay sheegtay in isagoo laba sano jiro la-keenay dalka Maraykanka.

Dowladda Maraykanka ayaa waxay sheegtay in Sirdoonka Maraykanka ee FBI-da ay ku raad joogtay Cabdi Salaan Xuseen Cali, isla-markaana waxay qirtay in uu ku biiray Xarakada Al Shabaab, oo ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Dowlada Maraykanka ayaa waxay sheegtay in Cabdi Salaan uu yahay, wiilkii seddexaad oo ka yimaada dalka Maraykanka oo isku qarxiya Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom.

Dowladda ayaa waxay kaloo sheegtay inay jiraan dhalinyaro kale oo Soomaali ah, oo ka tagay dalka Maraykanka, kuwaasoo ay sheegtay inay ku sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya, ayna doonayaan inay ka qeyb qaataan dagaalada ay Al Shabaab kula jirto Ciidamadda Amisom.

Iskusoo wada-duuboo Dowladda Maraykanka ayaa waxay sheegtay inay si weyn ula socon doonto dhaq dhaqaaqyada qorsheysan ee ay wadaan dhalinyarada Soomaaliya, ee ka dhinac dagaalanta Al Shabaab, ee heysta basaboorada dalka Maraykanka.
SomaliSwiss News Desk
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: