Advertisements

Askartii ugu badneyd mudooyinkaan ee ka soo goosta Al-Shabaab oo ay maanta soo dhaweysay dowladda KMG ah.

undefinedHalkaan ka akhri

Dhalin yaradii ugu badnayd dhawaanahaan ayaa maanta kasoo goostay malayshiyada kooxda Al-shabaab Dhalinyaradan oo gaaraysa 53 ayaa waxaa maanta soo bandhigay taliska Ciidanka Nabad sugida ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka hay’ada nabad sugida Cor: Ibraahim Cumar Aadan ayaa waxa uu maanta sheegay in dhalinyaradan gaaraysay ilaa 53 ruux ay ka goostayn dagaalyahanada Al-Shabab waxa uuna ku tilmaamay inay yihiin Mustaqbalkii dalka lagana dhumiyay wadadii saxda ahayd Sida uu yiri.

 Mid kamid ah dhalinyaradaan ayaa waxa uu Sheegay in dagaalyahanada Al-Shabab uu u Soo dagaalamayay waqti dheer waxa uuna xusay inuu kamid ah waaxda amniyaad ee dagaalyahanadaasi.

Waxa uu sidoo kale sharaxaad ka bixiyay qaabka amniyaadka waxa uuna Shaaca ka qaaday inay kamid tahay in aad dilaysid wax alaale waxii howshaada aad u aragtid inay caqabad ku yahiin isagoona tilmaamay in howlgalada amniyaadka lagu Sameeyo ilaa Sadax ruux.

waxaa isa soo taraysa dhalinyarada kusoo biiraya  Dowlada soomaaliya ee kasoo goosanaysa malayshiyada Al-shabaab ee dhawanahaan awoodoodu lii liicayso.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: