Al-Shabaab oo Dad iyo Gaadiid Muqdisho ku soo laaban lahaa ku xanibay wadada Afgooye iyo Muqdisho isku xirta.

Halkaan ka akhri

Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ayaa is hor istaag ku sameysay in ka badan 50 gaadiid ah oo ay wateen qoysas doonayay in dib ay ugu soo laabtaan xaafaddihii horey ay uga barakeceen ee magaalada Muqdisho.

Iyadoo maalman dadka shacabka ay si aad ah ugu soo laabanayeen xaafaddahoodii hore ay uga qaxeen ee magaalada Muqdisho sida xaafaddaha kala ah Afrikaan Fileej, Xamar Bille, Bakaaraha, Hurwaa, Yaaqshiid, Shibis, iyo goobo kale ayaa dadkaasi intooda badan waxa ay cadaadis kala kulmayaan kooxda Al-Shabaab oo aan doonayn in dadku ku laabtaan Muqdisho.

Wararka aan Maanta ka heleyno agagaarka Jaamacadda Shabeelle oo ku dhow Sar Kuusta ayaa sheegaya in halkaasi ay kooxda Shabaab ku celiyeen dad iyo gaadiid gaaraya illaa 50 gaadiid oo ay wateen qoysas doonaya in Muqdisho ku soo laabtan ka dib markii ay ka xuroowday Al-Shabaab.

Wararka ayaa tilmaamay in sababta ay Shabaabku u celinayaan dadka iyo gaadiidka ay tahay in aysan ka laaban deegaannada ay ku barakeec markii hore oo ay jooggaan halkaasi si maleeshiyada cidlo ay u dareemin.

Qaar ka mid ah dadkii ay ku xanibeen halkaasi Shabaab ayaa markii uu dib uu laabtay saxaafadda u xaqijiyay in Al-Shabaab ay diideen ku laabashada magaalada Muqdisho oo maleeshiyada laga soo eryay islamarkaana ay ciidamada dowladda nabaddeeyeen halkaasi, waxa uu intaa ku daray in dhibaato ay ku tahay sii joogi taanka duleedka Muqdisho oo ay xaalad adag ku heysto.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: