Magaalada Beledweyne oo laga cabsi qabo inay isku fara saaraan ciidamo dowladda KMG ah iyo kuwa Al-Shabaab.

Halkaan ka akhri

Dhaq dhaqaayo ciidan ayaa maanta laga dareemayaa duleedyada magaala madaxda Gobolka Hiiraan ee Beledweyne, kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda KMG ah oo ku sugnaa dhanka Kala Beyrka ay u soo ruqaansadeen dhinaca Beledweyn.

Sida ay shegayaan wararku Ciidamadan oo in muddo ah saldhigoodu ahaa Kala Beyr ayaa dhaq dhaqaaq ka wada deegaanka Ceel-Gaal iyo Buurta Qowleed, iyadoo xiisado dagaal laga dareemayo duleedyada Beledweyn.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamo Itoobiyaan ah ay wehliyaan kuwa dowladda, inkastoo Ciidamada Itoobiya ay ku sugan yihiin deegaanka Kala Beyr oo aysan iyaga ka muuqan dhaq dhaqaaq la dareemi karo.

Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka Jen. C/kariin Dhega-Badan ayaa sheegay in dhaq dhaqaaqyo ay ka jiraan Gobolada Bay, Bakool, iyo Hiiraan, isagoo tilmaamay in ay la mid yihiin kuwo ka jira Jubooyinka, Gedo iyo Magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, Isku dayo horay la doonayay in Shabaab lagaga saaro Beledweyn ayaa fashilmay, taasoo loo aaneynayo kala aragti duwanaanshaha Ciidamada Dowladda ee ku sugan Hiiraan, kuwaasoo aan haatan laheyn hogaan mideysan oo hanan hayn kara deegaankaas, xittaa haddii ay qabsadaan.

SomaliSwiss Beledweyne
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: