Denmark oo diyaarado dagaal u direysa xeebaha dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Dowladda Denmark ayaa sheegtay in Xeebaha Soomaaliya ay u soo dirayso Diyaaradaha qumaatiga u kaca si ay ula dagaalaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Wasiirka gaashaandhiga dowladda Denmark Nick Hakirab oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in Xeebaha Soomaaliya ay u soo dirayaan diyaarado si ay ula socdaan dhaq dhaqaaqyada kooxaha burcad badeedu ay ka wadaan Badwaynta India iyo Xeebaha ka baxsan Soomaaliya.

Wasiirka oo shir laqaatay guddiga baarlamanka arrimaha dibadda ee dalkaasi ayaa sheegay in xilliga bad xiranka hadii uu dhamaado ay kooxaha burcad badeeda Soomaalida bilaabayaan howlgalladooda ay ku baacsanayaan Maraakiibta shisheeye, wuxuuna sidaasi daraadeed sheegay in Xeebaha ay u dirayaan Diyaarado si ay u soo uruuriyaan xogta burcad badeeda Soomaalida islamarkaana looga hortago.

Hakirab ayaa sheegay in diyaaradahaasi ay ka dul kici doonaan Markab Ciidamada Denmark ay leeyihiin kaasi oo uu sheegay in bilaha soo socda uu tagayo Xeebaha Soomaaliya.  
SomaliSwiss Copenhagen
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: