Saraakiil iyo ciidan ka goostay Al-Shabaab oo u gacan galay dowladda Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Wararka naga soo garaya  Deeganka Qooqani  ee hostagta Dagmada Afmadoow  ayaa  tibaxaaya in Deegaankasi usoo garay Sarkaal horey uga tirsana Xarakada AlShabaab  iyo Ciidan u wato oo ayagana ka tirsana  Xarakada Alshabaab.

Sarkaalka Al-shabaab  ka soo gostay  aya waxaa lagu magacaaba  Yuusuf Axmed Liibaan  Horjoogahaan ayaa isaga iyo maleeshiyada uu la soo goostay waxa ay ka howlgali jireen degmada Afmadow.

Maxamed Cabdullaahi Yuusuf oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda KMG ee ku sugan degmada Qooqaani ayaa sheegay in si wanagsan loo soo dhoweeyay maleeshiyada iyo sarkaalka  soo goostay, waxaana u sheegay in loo gudbin doono Xarunta  guud ee ciidamada dowladda ee Jubbooyinka ay ku leeyihiin degmada Dhoobley.

SomaliSwiss Kismaayo
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: