Advertisements

HADAFSAME:Gabay Ka Hadlaya Marxalada Maanta uu marayo Wadanka Soomaaliya.‏

HOOS KA FIIRI GABAYGA

Halkaan ka akhri

Gabaygaan loogu magac daray HADAAFSAME, waxaa Curiyey  Cabdi Raxiim Hilowle Galeyr, 23 Oktoober 2011 waxaana Gabaygan uu kamid yahay gabayada ama suugaanta uu kaga qayb qaadanayo dib u dejinta iyo baraarujinta Umada Soomaaliyeed ee dhibaatada baaxada leh ee maalin walba sii fidaysaa haysato.
Gabaygan iyo Gabayo kale oo Abwaanka iyo Abwaaniin kale oo Soomaaliyeed wada tirinayaan waxay ka mid yihiin dadaalka ay ku jiraan dadka laxawga iyo dareenka ay ku hayso dhibaatada maalin walba taagan ee meel kasta oo aad caalamka ka joogto aad ka maqlayso magaca soomaali, idaacad, wargays, telefishin maqal iyo muuqaalba balse war aad ku faraxdo marnaba aysan dhagahaaga ku soo dhacay, Dagaal, Qarax, Abaar, Gaajo, Dhimasho, Dhaawac, Boob, sidaa awgeed bulshada Soomaaliyeed waxaan aaminsanahay in ay yihiin bulsho dhibaatadii aduunka iyo mashaqadiisaa heerkii ugu danbeeyey ka gaadhay una baahan in Af iyo Adin lagula tacaalo.
Xusuusin, Abwaanku wuxuu Gabayga ku soo halqabsanayaa si gaara Saaxiibkiis Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar jecel) oo ah kabiirka kooxda Qeylodhaan oo had iyo jeer aan ka midaysan nahay dhinaca fekerka Wacyigelinta iyo Qeylodhaanta, wuxuuna ku bilaabanayaa sidaan:-
Ma habayn beryahan ina shiroow hogagii maansoode
Hanaankeeda waa taan dhigayoon hilay warkoodiiye
Ha’deediyo ma helin waayadaan gabay hilaadiise
Hantidii abwaankiyo ka hadhay hilinkii suugaane
Murtidaan habayn jiray cabdiyoow hoos umaan dayine
Hirarkeeda anigoo ka hadhay haatuf ii yimide
Ka kacoo hurdadii aan ku jiray soo hambaabiraye
Hal-abuurka maansiyo la kacay kala hufkeediiye
Halka aan ujeediyo hadaan hadafka kuu sheego
Hawraartan maqal jaalkayoow ma hurto weeyaane.

Hardan iyo dagaaliyo dhibaa helay dadkeene
Habqan iyo qaxbaa soo maroo heeray ehelkiiye
Hiirtaanyo ciil bay qabaan huq iyo dheeraade
Hilibkoodii baa habar duugaagtu u heshiiyeene
Haykalkii dhisnaa iyo la waa haybadii hore e
Hankii lagu ogaa maba lahoo hoos ayuu tegaye
Halkii lagu yaqiin duulkanaga wuu ka haajiraye
Hadh cad baa gumaysigu handaday hanadadeeniiye
Hayeh mooyee hadal kaleba kuma hadaaqaane
Hanaqaadkii waa hore ma jiro higilkii buurnaaye
Hawadeena sare ciida iyo badaha heelkooda
Hantideena nimanbaa qortayoo haysta maantaba e
Heeryadaan shalay tuurnaybaa haatan na hortaale
Hadhkii galaba niman baa hub iyo ciidan keensada e
Hadal dhimeyey oo waynagaa wada hadoodilane.

Hadaan iri hayaan iyo midnimo iyo horseed fiican
Hadaan iri humaagii xumaha daaya hadafkiisa
Hadaan iri hanaan iyo wanaag qaada hilinkiisa
Hadaan iri hubsiimada badshoo xumaha hoos geeya
Hadaan iri halaagii dhacay haad hanaga qaado
Hadaan iri hantida iyo hubka iyo xooga ku heshiiyaa
Hadaan iri hormuud aan helno haybad iyo muuqba
Hadaan iri haraadiga hadhay nabad haloo doono
Hadaan iri hurdaa ina gashay orod u heensaysta
Hadaan iri hablo wiil midnimo horumarkeed doonaa
Hadaan iri halyeey iyo haween hawsha fududeeya
Hadaan iri hilmaamaay wixii hore inoo reebay
Hadaan iri hengelihii xumaa hoosta ha u raacin.
Hadaan iri hubkiyo inaga dhiga qoriga hawsaarka
Hadaan iri hamuuntiyo dib dhiga damacan heeryeysan
Hadaan iri halgaadkiyo dhibkiyo holaca baas daaya
Hadaan iri higaadiyo barta heerarka aqoonta
Hadaan iri hawraarsan iyo himiladoo toosan
Hadaan iri Hamiga dowladnimo, horumarkeed doona
Hadaan iri makala hadhi karnee heel isugu keena
Hadaan iri hacoo inaga jira haybta kala sooca
Hadaan iri hunguri waa xunyee hoos wax haw eegin
Hadaan iri hogaan sama wadiyo howlkarka adeeca

Hadaan iri ninkii hadaf xun iyo hororka weeteeya
Hadaan iri howl waa wada jiree heesta kor u qaada
Hadaan iri hantaqaada ka jira lama huraan ciida
Hadaan iri huqdii cadow wadiyo diida hadafkiisa¨
Hadaan iri haruur beerta iyo geeda wada hoowra
Hadaan iri haraadkiyo kabaxa oonkan hadhi waayay
Hadaan iri hawada geeya abid calanka hoodaale
Hadaan iri hog iyo inaga jira dabin hulaabaysan
Hadaan iri hal mida wada noqdoo yaan la kala haadin
Hadaan iri hujuunbaa jiree heegan u ahaadaa
Hadaan iri habsaan baa nahee horukac soo muuja

Hadafkeenu nabad weeye iyo hoodo iyo guule
Hayeh dhaha hayaankaa midnimo horumar weeyaane
Dantiinana Hagaajoo ka hadha beenta hadafkeeda
Hadaanse garan lahayn heerka iyo hilinka aan joogno
Kana hadhi lahayn haybta iyo cudurkan haareeyey
Walee horumar baan gaari layn heersariyo guule
Hawraar intii kari lahaa hadal wanaagiisa dheh
Habayntii abwaan lagu yaqiin himiladiisii dheh
Hantidii aqoontiyo hidaha horumarkeeni dheh
Hayaay iyo kasoo kacay dadyahaw hiil walaalnimo dheh
Hadafkii midnimo lagu heliyo talo heshiiskeed dheh
Waxba hadalku yuu ila tarmine hooris gabayaa dheh
Halkii aan la rabay maansadiyo hadafkii toosnaa dheh
Sharaxaad:
Magaca Ina Shire + Cabdiyoow = Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar Jecel)
Waa Qalinkii Iyo Hal abuurkii Abwaan: Cabdiraxiin Hilowle Galayr.
SomaliSwiss  London
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: