Aqoon is waydaarsi ku saabsan Dastuur u samaynta Soomaaliya oo lagu qabtay Switzerland.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Waxaa Axadii lasoo dhaafay oo ay taariikhu aheyd 22 October 2011 Barnaamij looga hadlayay doorashooyinka ka dhacaya dalka Switzerlnd, Dastuurka qabyada ah iyo Arimaha Soomaalida oo ka dhacay magaalada St. Gallen ee dalka Swiss-ka.

Soomaaliya waxaa ay kamid tahay meelaha ugu adag dejinta Dastuurka ay bulshada ku dhaqanto. Ma aha kaliya intaasi waxaa ay soo martay 20 sannadood oo dagaalo sokeeya ah, hase-darteed jiilkeeda yaryar ayaa ku soo koray dal fashilmay.

Iyadoo lagu soo noolaa labaatan sannadood cadaadiskii kaligii-taliyaha oo ay ka danbeeyeen dagaalo xumi, dad badan oo Somaali ah ayaan haysan wax la arko oo lagu daydo ama waayo-aragnimo qof oo ah dal Soomaaliyeed oo ay dowlad ka shaqeyso ama nabad ah, gaar ahaan arimaha hay’adaha, qaababka dawladnimada iyo hogaaminta.

Sidaa daradeed Dood wadaag dhexmartay Soomaalida degen dalka Switzerland ayaa waxaa magaalada St. Gallen loogu qabtay masuuliyiin badan oo ka kala socotay gobolada dalkan, kaasoo looga doodayay, Maxaa laga baran karaa dhibta inagu dhacday, maxaan ka baran karnaa dalka Switzerland oo aanu degenahay oo looga dhaqmo nidaamka Federaalka ah.

Waxyaabihii la isku soo qaaday ayaa waxaa kamid ahaa:- Dastuurka dalka Soomaaliya uu yeelanayo sidee ayuu noqon karaa, waxaa Barnaamijka ka soo qeybgalay TV-ga Madaxa banaan ee Universaltv oo uu hogaaminayay wariyaheeda Abdisalaan Hereeri oo dooda u qeybinayay ka soo qeybgalayaasha, waxaa looga hadlay oo kale isbedelada Soomaalida dhexdeeda iyo xiliyadii kala danbeeyay ee ay dalkan Swiss-ka Joogeen.

Waxaa uu barnaamijka ku dhamaaday fikrado kala qaadasho ay is weydaarsanayeen Soomaalidii kakala timid gobalada dalkan Switzerland.

SomaliSwiss St. Gallen

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: