Mas’uul ka tirsan Al-Shabaab oo sheegay in Sheikh Shariif laga saaray Liiska Murtad-yada.

Halkaan ka akhri

Xarakada Al Shabaab oo horey u sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ka baxay Diinta Islaamka, ayaa waxay shaaca ka qaaday inaanan loogu yeeri karin mid Gaal ama Murtad ah.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Yuusuf  Sheekh Ciise “Kaba Kutukade”, oo shalay shacabka ku dhaqan degmada Mahadaay, kula hadlay Xaruunta Degmada Mahadaay, ayaa waxaa ka soo yeeray hadal layaab leh.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Xarakada Al Shabaab, ayaa wuxuu ka codsaday shacabka ku dhaqan degmada Mahadaay inay taageeraan maamulka uu hogaamiyo, maadaama uu isagu yahay masuulka Al Shabaab u qaabilsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Hase ahaatee wax-garadka ku dhaqan degmada Mahadaay, ayaa waxay Gudoomiyaha u sheegeen in Ciidamadda Al Shabaab ay ugu yeeraan kuwo Murtadiin ah ama Gaalo ah, maadaama ay Madaxweynaha Soomaaliya isku heyb yihiin.

Hadaba si’ay shacabka u taageeraan Maamulkiisa, ayaa wuxuu Gudoomiyaha uu sheegay inaanan Madaxweynaha Soomaaliya loogu yeeri kareyn mid Murtad ama Gaal ah, wuxuuna Gudoomiyaha uu ka digay in Madaxweynaha loogu yeero Murtad.

Sidoo kale wax-garadka ayaa waxay soo dhaweeyeen amuurtaasi, waxayna sheegeen inay la-shaqeyn doonaan Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, oo uu Gudoomiyaha ka yahay Sheekh Kaba Kutukade.

Ugu dambeen Xarakada Al Shabaab ayaa waxya horey u sheegtay inay Gaalo ama Murtadiin yihiin, Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo cid walba oo taageersan, lamana oga waxay tani keeni kareyso.

SomaliSwiss Jowhar

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: