Sheikh Shariif oo Maanta Booqday Dayniile.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta degmada Dayniile iyo hareeraheeda halkaasi oo dhowaan ay Ciidammada dowladdu ka xoreeyeen Maleeshiyada Shabaab waxaana uu Madaxweynuhu socod kusoo maray difaacyada ay Ciidammada Midowga Afrika iyo kuwa Dowladda halkaasi ku leeyihiin ayadoo uu sigaar ah ugu kuur galay xaalada ay Ciidammadu cadawga ku difaacayaan.

Markii uu Madaxweyne Shariif kormeeray xarunta degmada Dayniile iyo Nawaaxigeeda ayaa hadana waxa uu socod kusoo maray xaafada Tiida ee degmada Dayniile ayadoo madaxweynuhu dhamaanba mid mid u eegay difaacyada ay Ciidammada Qalabka Sida iyo kuwa Midowga Afrika halkaasi ku leeyihiin.

General C/kariin Yuusuf Dhegabadan Abaan duulaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ka mid ahaa saraakiishii Madaxweynaha kusoo dhoweeyey degmada Dayniile ayaa waxa uu warbixin ka siiyey guulaha la gaaray iyo waxa hada qorshe u ah waxaana uu General Dhegabadan tilmaamay in guullaha la gaaray hada ay muuqdaan islamarkaana ay Ciidammada Qalabka Sida iyo kuwa Midowga Afrika u diyaarsan yihiin inay dalka Cadowga kasii xoreeyaan.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kadib markii uu warbixintaasi dhageystay waxa uu Shirjaraa’id ku qabtay xaafada Tiida waxaana uu ugu horeyn Ciidammada wadajirka u howlgalaya iyo shacbiga Soomaaliyeedba ugu hambalyeeyay guulaha lagaaray taana mahadeeda koobaad uu Alle leeyahay marka xigtana Ciidammada iyo Shacabka taageeraya.

Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu shirkiisa jaraa’id sidoo kale ku faah faahiyey guud ahaanba sida ay dalka uga socdaan howlgallada lagu sifeynayo Maleeshiyada kooxda Shabaab waxaana uu tilmaamay in howlgallada Muqdisho kaliya aysan ka jiran balse sidoo kale guullo laga soo hooyey howlgallada ka socda gobollada dalka gaar ahaan Jubooyinka islamarkaana uu sii socon doono howlgalka ilaa inta dalka laga sifeynayo Al-Shabaab iyo Al-qaida.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dhanka kale ka hadlay hadal heynta ku aadan soo gelintaanka Ciidammada Kenya waxaana uu tilmaamay in Madax banaanida Soomaaliya aanay Cidna ku xadgudbi karin balse Kenya uu deris wanaag inagala dhaxeeyo,dowladuna ay ka codsatay uun inay ku gacan siiso dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida taana uu kaga mahad celinayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu dambeyntii ka hadlay qasaaraha howlgalladii dhowaan laga sameeyey degmada Dayniile waxaana uu sheegay in saraakiisha Ciidammada ay usoo gudbiyeen in Toban Askari oo ka tirsan Ciidammada Burundi howlgalkaasi ay ku geeriyoodeen balse ay wax lagu qoslo tahay beenta ay Shabaab sheegteen taasi oo uu Madaxweynuhu ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin oo Maleeshiyaadkoodii laga dilay ay darees Ciidan usoo geliyeen.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: