Qaraxii labaad oo markale caawa ka dhacay gudaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Halkaan ka akhri

Qaraxii labaad ayaa caawa markale ka dhacay dalka Kenya mudo ka yar 24-saac, kaasi oo geystay qasaaraha dhimasho iyo dhaawac fara badan.

Sida lasheegay hal qof ayaa ku geeriyooday, halka in kabadan 20-kalena ay ku dhaawacmeen, qaraxan oo ka dhacay goob gaadiid laga raaco oo Boosteejo ah.

Saraakiil u hadashay Booliska dowladda Kenya ayaa sheegtay in aysan iminka faahfaahin horu dhac ah ka bixin karin qaraxa, balse ay sheegeen in ay baaritaano wadaan dibna ay kasoo sheegi doonaan cidii kadambeysay.

Ciidamo fara badan oo booliska ah ayaa lagu soo daadiyay gudaha magaalada, kuwa badanna waxaa ay isku gedaameen halkii uu qaraxa caawa ka dhacay.

Waa qaraxii labaad oo muddo ku dhow 20-saacadood uu ka dhaco magaalada Nairobi, xalay ayay aheyd markii qarax bambaano lagu tuuray goob lagu caweeyo oo Night Club ah, kaasoo ay ku dhaawacmay ilaa 14-ruux.

Al-Shabaab ayaa todobaadkii hore markii Ciidamada Kenya ay soo galeen gudaha dalka Soomaaliya, ku hanjabtay in ay weeraro ka geysan doonaan gudaha dalka Kenya, isla markaana ay leeyihiin kuwa u dhashay wadankaasi oo iyagu katirsan Al-Shabaab, isla markaana awood u leh in ay furiyaan weeraradii loo diro.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in sababta ay ciidamadeeda u galeen gudaha Soomaaliya ay tahay in ay la dagaalamaan kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Sheikh Shariif oo Maanta lahadlay Saxaafadana waxaa uu sheegay in dowlada Kenya ay ku khaldan tahay in ciidamadeeda ku amarto in ay gudaha u galaan wadan madax banaan, hadiise ayuu yiri ay ladagaalamayaa Alqaida ay kula dagaalamaan xuduudadooda iyo wadankooda gudihiisa, maadaama ay argagixisado wadan walbo joogaan.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: