Advertisements

Magaalada Nairobi oo xalay Bam gacmeed qasaaro dhaliyay lagu qarxiyay goob lagu caweeyo.

Halkaan ka akhri

Dowladda Faransiiska ayaa shaaca ka qaaday inay ka qeyb qaadanayso la dagaalanka Xarakada Al Shabaab.

Weerar bambaano ah oo qasaaro gaystay ayaa xalay ruux hubaysan waxa uu ku qaaday goob lagu caweeyo oo ku taalla Magaalada Nairobi, iyadoo dhinaca kale nin Kenyati ah isla xalay lagu dilay Magaalada Mandheera.

Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee Xarunta wadanka Kenya ayaa waxa ay ku waramayaan in xalay wixii ka dambeeyay 7-dii saac qarax bambaano lagu weeraray goob lagu caweeyo oo ay ku sugnaayeen dad farabadan oo Kenyaati ah, waxaana la sheegay in halkaasi ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 13-ruux oo la tilmaamay inay ku sugnaayeen halkaasi.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa loola cararay Isbitaalada Magaalada Nairobi, waxaana qaraxa kadib halkaasi gaaray Ciidamo badan oo ka tirsan booliska Kenya kuwaasi oo halkaasi ka bilaabay baaritaano ku aadan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahayeen dadkii ka dambeeyay dhacdadaasi, iyadoo la sheegay in ruuxii weerarkaasi gaystay uu goobta ka baxsaday.

Ilaa iyo iminka lama sheegin cid si toos ah ay gacanta ugu soo dhigeen Ciidamada amaanka ee dowladda Kenya, mana jiraan wax war ah oo kasoo baxay Mas’uuliyiinta dowladda Kenya oo ku aadan qaraxaasi.

Dhinaca kale waxaa isla xalay Magaalada Mandheera ee dalka Kenya kooxo hubaysan ay ku toogteen nin Kenyaati ah oo  lagu magacaabi jiray Jamal Sayid Cabaas kaasi oo gudoomiye ka ahaa Xaafad hoostagta Magaalada Mandheera xilli uu ku sugnaa gurigiisa, waxaana xusid mudan in sidoo kale halkaasi ay isaga baxsadeen kooxihii fuliyay dilkaasi.

Weerarkaani bambaano ee xalay ka dhacay Magaalada Nairobi iyo dilka Magaalada Mandheera ayaa waxa ay imaanayaan xilli Xarakada Al Shabaab ay ku hanjabeen inay talaabo cad ka qaadi doonaan dowladda Kenya hadii aysan Ciidamadoodu kala bixin gudaha wadanka Soomaaliya, waxaana Saafaradda Maraykanka ee Kenya ay mar hore ka digtay weeraro Al Shabaab ay ka gaystaan gudaha dalka Kenya.

SomaliSwiss Nairobi
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: