Madaxweyne Shariif:- “In ay ciidamo iska soo galaan gudaha dalkeena dowladda iyo shacabka Soomaliya raali kama ah”.

HOOS KA DHAGEYSO KHUDBADA

Halkan ka akhri

SHIRKA JARAA’ID EE MADAXWEYNAHA

Madaxweynaha Soomaaliya, Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa maanta ka hadlay soo gelida ciidamo ka socda dalka Kenya ay soo galeen gudaha dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay degmada Dayniile ayaa yiri: “Waxaa jira waxyaabo yaryar oo aan u aragno in aysan habbooneyn. Waana kala hadalnay dowladda Kenya, waxaana ka mid ah waxyaabahaas ciidamo inay iska soo galaan Soomaaliya. Dowladuna ma oggola, shacabka Soomaaliyeedna ma oggola.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri:

“Sidaad  la socotiina ciidamada hadda jooga ee AMISOM waxay ku joogaan oggolaansho Dowladda Soomaaliyeed iyo shacabka iyo mandate uu siisay UN-ka (Qaramada Midoobay) iyo African Union (Midowga Afrika).

“Marka iskaashi ayaa naga dhexeeya dowladda Kenya, laakiin waxaan kala hadalnay habka aan anaga u rabno inay noo kaalmeeyaan inuu yahay hab cad oo ah in …Ciidamada Qalabka Sida inay diyaar u yihiin inay shaqada qabsadaan, Kenyana aan uga baahanahay inay gacan siiyaan ciidamada ee aysan dhicin wax intaas ka duwan. Wadashaqeyn xooggana ay jirto oo laga wada shaqeeyo nabadda iyo soo-celinta nabadda dalka.”

“Waxaan gaarsiinay inaan aad uga xunnahay in dalkooda ay dhibaato u geystaan Al-Shabaab iyo Alqaacida….diyaarna aan u nahay in lays kaashado. Waxaan fileyno waxay yihiin iskaashigaas laga wada hadlay oo aan filayo inaad ogtihiin in Addis Ababana shir lagu qabtay IGAD, ujeeddaduna ay ahayd in la ilaaliyo in la ilaaliyo darisnimada iyo nabadda deegaanka, aanay dhicin wax keeni kara mugdi ama shaki keeni kara, ama gelin kara dowladaha ama gelin kara shucuubta.”

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa imanaya iyadoo ay dalka soo galeen ciidamo ka tirsan dowladda Kenya, kuwaasi oo dagaalo kawada gudaha dalka.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: