France oo ku biirtay baacsiga iyo ladagaalanka Al-Shabaab ee Koofurta Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Diplomasiyiin sare oo ka tirsan dowladda Faransiiska oo ku sugan magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa sheegay inay ku biireen la dagaalanka iyo baacsiga Xarakada Al Shabaab  ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya.

Diplomasiyiinta ayaa sheegay inay u direen Xeebaha dalka Soomaaliya Maraakiib dagaal kuwaasi oo ay sheegeen in loogu talagalay in ay duqeymo xooggan ka fuliyaan magaalooyooyinka Xeebta ku taalo oo ay gacanta ku hayaan Xarakada Al Shabaab.

Afhayeenka Ciidamada Militariga dalka Kenya Maj. Emmanuel Chirchir ayaa waxa uu xaqiijiyay in dowladda Faransiiska ay doonayso la dagaalanka Al Shabaab oo uu sheegay in arintaasi ay si wayn u soo dhawaynayaan.

Dowladda Faransiiska ayaa waxa ay ka mid tahay dowlaha muwaadiniintooda lagu Afduubtay dalka Kenya, iyadoo Haweenay u dhalatay dalkaasi oo dhawaan laga afduubtay Kenya ay ku geeriyootay gudaha dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss Nairobi
SomaliSwiss@hotmail.com

Dowladda Faransiiska ayaa shaaca ka qaaday inay ka qeyb qaadanayso la dagaalanka Xarakada Al Shabaab.

 

Diplomasiyiin sare oo ka tirsan dowladda Faransiiska oo ku sugan magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxa ay sheegeen inay ku beerayaan la dagaalanka iyo baacsiga Xarakada Al Shabaab  ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya.

 

Diplomasiyiin ayaa waxaa ay sheegeen inay u dareen Xeebaha dalka Soomaaliya Maraakiib dagaal kuwaasi oo ay shegeen in loogu talagalay in ay duqeymo xooggan ka fuliyaan magaayooyinka Xeebta ku taalo oo ay gacanta ku hayaan Xarakada Al Shabaab.

 

Afhayeenka Ciidamada Militariga dalka Kenya Maj. Emmanuel Chirchir ayaa waxa uu xajiijiyay in dowladda Faransiiska ay doonayso la dagaalanka Al Shabaab oo uu sheegay in arintaasi ay si wayn u soo dhawaynayaan.

 

Dowladda Faransiiska ayaa waxa ay ka mid tahay dowlaha muwaadiniintooda lagu Afduubtay dalka Kenya, iyadoo Haweenay u dhalatay dalkaasi oo dhawaan laga afduubtay Kenya ay ku geeriyootay gudaha dalka Soomaaliya.

%d bloggers like this: